Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Waxaa socda dhaq-dhaqaaqyo militari oo ballaaran oo ay wadaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo dadka deegaanka ee ku sugan deegaannada hoos yimaada magaalada istiraatiijiga ah ee Aadan Yabaal, gobolka Shabeellada Dhexe.
Howl-galladan ayaa ah kuwo lagu beegsanayo kooxda Al-Shabaab, iyadoo la doonayo in degmada looga saarayo, iyo weliba deegaannada ay weli gacanta ku hayaan.
Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa booqday aagga Aadan Yabaal si ay u dhiirrigeliyaan ciidanka ku sugan halkaas. Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka ayaa gaaray furimaha hore, halkaas oo ay kala hadleen saraakiisha iyo ciidamada xaaladda dagaalka.
Warbixino muhiim ah oo la xiriira dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa la siiyey saraakiisha sare, iyadoo diiradda la saaray sidii dagaalkaas loo dardargelin lahaa loona heli lahaa guulo muuqda.
Taliska sare ayaa dhankiisa dhiirrigelin u muujiyey ciidamada iyo shacabka deegaanka ee si wadajir ah ula dagaallamaya Al-Shabaab.
Taliyaha Ciidanka Dhulka, Jeneraal Sahal Cabdiqaadir Cumar, ayaa sheegay in uu ku bogaadiyey ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka halganka naf-hurnimada leh ee ay ugu jiraan difaaca dalka. Wuxuu xusay in ay la dhacsan yihiin dadaalka ay wadaan si loo xaqiijiyo amniga loona ciribtiro cadowga.
Dadka deegaanka oo garab siinaya ciidamada dowladda ayaa door muuqda ka qaadanaya howl-galka, iyagoo muujinaya diyaar garow iyo wadashaqeyn. Tani waxay xoojineysaa isku duubnida shacabka iyo ciidamada, taasoo muhiim u ah guusha howl-gallada socda.
Magaalada Aadan Yabaal oo ay hadda ku sugan yihiin Al-Shabaab ayaa noqotay bartilmaameedka ugu weyn ee howl-gallada socda. Dowladda Soomaaliya iyo shacabka deegaanka ayaa ku howlan ka saarista Al-Shabaab magaalada iyo soo celinta amniga guud ee gobolka Shabeellada Dhexe.

