Wararkii ugu dambeeyay ee doorashada K/Galbeed iyo shirar dhacay + Sawirro

Baydhabo (Caasimada Online) – Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya David Concar ayaa magaalada Baydhabo kula kulmay musharixiinta Koofur Galbeed ee u taagan qabashada xilka madaxweynaha Koofur Galbeed.

Musharixiinta ayaa safiirka u gudbiyay walaaca ay ka qabaan doorashada Koofur Galbeed, waxaana dhankiisa uu kala hadlay sida ugu wanaagsan ee ay ku dhici karto doorasho xor ah oo Musharixiinta ay ku wada qanacsan yihiin.

Mukhtaar Roobow ayaa kamid ah musharixiinta kasoo muuqday kulanka dhexmaray Safiirka UK ee Soomaaliya iyo musharixiinta Koonfur Galbeed, waxaana kulanka maanta uu ka dhacay xarunta QM ee magaalada Baydhao.

7 Maalin ayaa ka harsan waqtiga loo balansanaa inay doorasho kaga dhacdo magaalada Baydhabo, waxaana doorashada sanadkaan ka qeyb galeynin Shariif Xasan Sheikh Aadan oo iska casilay xilka madaxweynaha kana tanaasulay Musharaxnimadiisa.

Musharixiinta ayaa doonaya in dib loo dhigo doorashada, laakiin dowladda ayaa dooneysa inay waqtigeeda ku dhacdo doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Safiirka UK ee Musharixiinta la kulmay ayaa kula dardaarmay inay ka shaqeeyaan sidii si nabad galyo leh doorashadaasi u dhici laheyd.

1998

 

Caasimada online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com