Wararkii ugu dambeeyay howlgallada ka dhan ah Al-Shabaab ee ka socda dalka

Kismaayo (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo ku sugan furimaha hore dagaalka ee maamulka Jubbaland ayaa sheegay inay sii xoogeysteen howl-galada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda deegaannada maamulkaasi.

Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dagaalka Al-Shabaab ee ka bilawday gobollada dalka gaar ahaan dowlad-goboleedyada HirShabelle iyo Galmudug laga gaaray guullo muhiim ah laguna qabtay magaalooyin kala duwan.

“Sida aad la socotaan dalka guud ahaan waxaa ka socda howl-gallo ballaaran, markii aan halkaan ku kala tageynay deegaanno badan oo aan xor ahayn oo Khawaariijtu dadka Soomaaliyeed ku dhibaateyneysay ayaa xor ah, waxaa la rabaa in la dardar-geliyo howl-gallada,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu shaaciyay in ciidamada federaalka iyo Daraawiishta Jubbaland ay ku ballameen fulinta howl-gallo xooggan, si la isugu xiro guud ahaan howl-gallada ka socda dowlad-goboleedyada hoostaga dowladda federaalka.

“Saaxiibadiina HirShabelle iyo Galmudug waxa ay qabteen shaqo muhiim ah oo cadawga uga xorreeyeen meelo muhiim ah, sidaas oo kale ayaa la rabaa in guud ahaan dalka looga cirib-tiro Al-Shabaab.”

Ugu dambeyntiina waxa uu ciidamada dowladda federaalka iyo Daraawiishta dowlad-goboleedka Jubbaland kula dardaarmay in ay sii laba jibaaran howl-gallada ka dhan ah Al-Shabaab ee deegaannada maamulkaasi.

Hadalkan ayaa imanaya xilli ay toddobaadyadii u dambeeyay uu hakad kooban ku yimid dagaalka ka dhan ah Al-Shabaab, marka laga reebo duqeymo ay ciidamada Mareykanka la beegsadaan kooxda.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa arrintaan ku macneysay isu-diyaarinta wejiga labaad ee howl-galka, kaasi oo ay ka qeyb qaadan doonaan ciidamo cusub oo ay Soomaaliya usoo diri doonaan dalalka Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya, kuwaas oo aan qeyb ka aheyn ATMIS.

Xuseen Sheekh Cali, oo ah la-taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu sheegay in wejiga labaad ee howl-galka uu awood u yeelan doono in kooxda Al-Shabaab looga saaro “xaafad iyo magaalo kasta” oo hadda ay gacanta ku hayaan.