Sawirro: Iskaashiga militari ee Soomaaliya iyo Ethiopia

Addis Ababa (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo haatan ku sugan dalka Ethiopia ayaa kulamo ka wada magaalada Addis Ababa ee caasimada dalkaasi, ayaga oo ka wadahadlaya iskaashiga milatari ee labada waddan ee dariska ah.

Wasiirka ayaa kulan gaar ah la yeeshay taliyaha ciidanka Difaaca Ethiopia Field Marshal General Birhanu Jula, ayaga oo ka wadahadlay arrimo dhowr ah.

“Waxaan kulan miro dhal ah la qaatey Taliyaha Ciidanka Difaaca Ethiopia Field Marshal General Birhanu Jula” ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay ka wadahadleen arrimaha ammaanka, gaar ahaan iskaashiga dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

“Waxaan ka wada hadalney Amniga Gobolka iyo sidii la isaga kaashan lahaa ciribtirka Khawaarijta Alshabaab,” ayuu sii raaciyay.

Dhankiisa taliyaha ciidanka Difaaca Ethiopia Marshal Birhanu ayaa ku amaanay madaxda dowladda Soomaaliya, sida ay uga go’antahay dagaalka lagula jiro kooxa Al-Shabaab, kaas oo haatan xoogiisa uu ka socdo gobollada dalka.

Ethiopia ayaa qayb ka ah dalalka ka qayb qaata dagaalka Al-Shabaab, waxaana ciidamo ay ka joogaan gudaha Soomaaliya, kuwaas oo qayb ka ah howlgalka ATMIS ee Midowga Afrika.