Wararkii ugu dambeeyay mooshinka la hor geeyey baarlamaanka Somaliland?

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane) oo kamid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland, isla markaana ah Guddoomiyaha Guddida Kheyraadka Golaha ayaa maanta ka hadlay halka uu marayo Mooshin ay u gudbiyeen golaha wakiilada Somaliland.

Xildhibaanka ayaa sheegay in mooshinka ay golahaasi u gudbiyeen lagu sameeyay is hortaag, balse ay ku guuleysteen in laga doodo Ciida dabadeed.

Gaane ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey in caqabadaha hor taagan qabsoomida doorashadu ay sabab u yihiin dibu dhac ku yimaada doorashooyinka Somaliland.

Xildhibaanka oo warbaahinta kula hadlayey gudaha magaalada Hargeysa ayaa waxa uu yiri “Mooshinkan aanu ku gudbinay 15 Muddane ee labada Kulmiye nagu jireen, dagaal baa lala galay, waxaana la isku dayey in la hor istaago, laakiin taasi suurtagal wey noqon weyday oo Sharcigu wuxuu dhigayaa in tirada ugu yar ee Mooshin keeni karta ay noqdaan 11 Muddane, anaguna waxaanu noqonay 15 Muddane”.

“Ciidda dabadeed ayaanu ka doodi doonaa Haddii ALLE yidhaahdo, haddii wax ka bedel iyo kaabis lagu sameeynayo iyo haddii sidaas lagu daynayaba waa wax Xildhibanaadu dood dheer ka yeelan doonaan, wax se la isku dayey in wax nala marsiiyo ama nala jiidhsiiyo, taasina suurtagal wey noqon weyday”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Guddoomiyaha Komishanku hadda ayuu sheegay inay Doorashadu dib u dhacayso, laakiin anigu mar hore ayaan warbaahinta ka sheegay inay Doorashadu dib u dhacayso, waxyaabaha keenay dib u dhaca Doorashadana wax qarsoon maaha, ee waa wax loo baahnaa in mar horeba wax laga sii qabto”.

“Doorashada oo la qabto waxaa ka horeeya in waddada loo sii xaadho, oo wixii caqabad ah ee jira in wax laga qabto, oo meesha laga saaro, ilaa haddana caqabadaasi wey taagan yihiin, markaas waa qasab inay Doorashadu dib u dhacdo”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com