Wararkii ugu dambeeyay shirka halka dhinac ah ee Teendhada Afisyoone

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalintii afaraad ka socda teendhada Afisyoone ee magaalada Muqdisho shir hal dhinac ah oo u dhaxeeya madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ra’iisal wasaaraha xil-gaarsiinta, madaxda Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed iyo guddoomiyaha gobolka Benaadir.

Shirkaan oo bilowday maalintii Isniintii ayaa waxaa looga hadlayey khilaafka doorashada, ayada oo ay ka maqan yihiin madaxda dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, oo iyagu kasoo horjeeda hanaanka ay dowladda waqtigeeda dhamaaday u wado doorashada.

Waxaa maanta la filayaa in shirkaas looga hadlo sugida amniga doorashada aan weli lagu heshiin, waxaana warbixin looga dhageysan doona Guddiga Amniga Qaranka.

Ajendaha shirka ayaa maanta ku qotoma arrimaha amaanka ee doorashada, waxayna madaxda ku shirsan Afisyoone ay hore uga doodeen is afgaradkii lagu gaaray magaalada Baydhabo ee ay soo gudbiyeen Guddiga farsamada arrimaha doorashooyinku.

Dhinaca kale, Sida ay noo xaqiijiyeen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo saraakiil ka tirsan wafdiga maamulada Puntland iyo Jubaland ee ku sugan, wakiilada beesha caalamka ayaa galabta shir gaar ah u qabanaya 5-ta maamul gobaleed ee dalka.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in beesha caalamka ay dooneyso in marka hore la xaliyo tabashooyinka u dhaxeeya hogaamiyaasha maamul gobaleedyada kahor inta aanay la kulmin Farmaajo.

Shirkan oo lagu waday inuu maanta gelinkii hore dhaco ayaa waxaa fashiliyey Farmaajo kadib markii saaka aroor hore uu tegay Afisyoone, kuna qasbay saddexda madaxweyne goboleed ee taabiciyiinta ah inay shir kula soo biiraan.