Midowga Yurub oo ka hor-yimid heshiiska DF iyo Janan + V/Somalia oo u jawaabtay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga Midowga Yurub ee Soomaaliya, Amb. Nicolas Berlanga ayaa markii u horeysay ka hadlay heshiiska dowladda iyo Wasiirkii hore ee amniga Jubbaland, oo shalay si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo.

Nicolas Berlanga oo qoraal soo dhigay bartiisa twitter-ka ayaa ka horyimid heshiiskaas, xili Cabdirashiid Janan loo haysto arrimo bini-aadanimo, wuxuuna ku tilmaamay heshiiskaas mid ku dhisan “guulo muddo kooban ah”.

Sidoo kale waxa uu xusay inuu xasuusan yahay dhibaatada la sheego inuu Janan uu ka geystay gobolka Gedo, asaga oo soo jeediyay in sharciga loo sinaado, midaasi oo ka dhigan in cadaalada la marsiiyo, islamarkaana lagu qaado gabood falka uu hore ugu eedeysna.

“Waxaan ka fakarayaa dhibanayaasha, dadka la barakiciyey, Soomaalida da’da yar ee ku haminayda bulsho nabad iyo dhex-dhexaad ah, oo sharciga loo wada siman yahay. Waxaan hubaa in kuwa ka fakaraya guulo deg deg ah aysan hilmaami doonin bulshada u baahan tiirar adag si loo dhiso mustaqbal,” ayuu yiri.

Saacado kadib hadalka Danjiraha waxaa jawaab kulul ka bixiyay Cabdinuur Maxamed Axmed, oo ah Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, wuxuuna sheegay in danjiraha uusan xaq u laheyn inuu arrintan kaga hadlo twitter-ka, islamarkaana ay tahay inuu walaaciisa ku aadan arrinta usoo maro marinada diblomaasiyadeed ee dowladda.

“Mudane Danjire, waxaan ogahay inaad marino aan xadidneyn aad u haysato marinada diblomaasiyadeed ee ugu haboon, si aad walaacyadaada ugu gudbiso, una hesho xog qiimo badan oo ku saabsan dhacdooyinka noocan ah”.

Arrintan ayaa imaneysa xili ay shalay madax ka tirsan dowladda federaalka iyo maamulka taabacsan ee Gedo ay Cabdirashiid Janan si weyn ugu soo dhaweeyen magaalada Beled-Xaawo, ayada oo hay’addaha u dooda xuquuqda aadanaha ay u haystaan dambiyo gabood fal.

Si kastaba, Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shalay digniin adag kasoo saartay qoraalada ay danjireyaasha beesha caalamka hawada u mariyaan dowladda amase uga hadleen xaalada ka taagan dalka ee inta badan ku qoraan barahooda twitter-ka.