Shirkii madax goboleedyada oo baaqday kadib faro-gelin ka timid Farmaajo (Xog)

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkii ay galinka dambe ee maanta u balansanaayeen madaxda maamul goboleedyada Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, HirShabeelle iyo Galmudug ayaa baaqday kadib faro-gelin ka timid Farmaajo, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo muhiim ah.

Shirkaan oo ay gadaal ka riixeysay beesha caalamka oo rabta in heshiis laga gaaro doorashada dalka, ayaa waxa uu qorshuhu ahaa in kulan ay goob joog ka tahay la iskugu keeno madaxda dowladd goboleedyada oo u kala qeybsan labo garab.

Sida ay inoo sheegen ilo wareedyo ku dhow xerada Xalane, shirkaas muhiimka ah ayaa u baaqday cadaadis ka yimid dhanka madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaasi u sheegay madaxda saddexda dowlad goboleed ee taabacsa inaysan uga qeyb-galin kulankaas.

Farmaajo oo saaka madaxweynayaasha Galmudug, HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed kula shiray Afisyoone ayaa usoo jeediyay inay wada kulmaan shanta Madaxweyne dowlad goboleed oo qura, ayada oo banaanka ka taagan tahay beesha caalamka.

Arrintan ayaa imaneysa xili ay beesha caalamka dadaalo xoogan ku bixineyso sidii ay madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamulada dalka heshiis kama dambeys ah uga gaari lahaayeen khilaafka doorashada oo xiisad hor leh ka dhaliyay dalka.

Ma cadda sababta Farmaajo u diidan yahay beesha caalamka, hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay inuu u arko in beesha caalamka ay xal dhex dhigi karto madax goboleedyada, taasi oo uusan dooneyn.

Dowladda federaalka ayaa waxay dhawaan digniin adag u dirtay saaxiibada beesha caalamka ee Soomaaliya, midaasi oo la xiriirtay inay faro-gelin toos ah ku yeeshan arrimaha gudaha oo qeyb ka tahay doorashada, islamarkaana ay ku dalbaneysay inay joojiyaan fariimaha xasaasiga ah ee hawada u mariyaan.