Janan iyo Fahad Yaasiin oo Muqdisho kasoo degay

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog aan helnay ayaa sheegeysa in galabta wasiirkii hore ee amniga Jubaland Cabdirashiid Janan, oo heshiis la galay dowladda federaalka, laga soo dejiyey garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Janan uu la socdoTaliyaha hay’adda NISA Fahad Yaasiin, waxayna ku yimaadeen diyaarad gaar ah ka soo qaaday degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Cabdirashiid Janan ayaa Muqdisho kusoo laabanaya sanad iyo laba bilood kadib markii uu magaalada, sida la sheegay, ka baxsaday dabayaaqadii bishii Janaayo ee 2020.

Janan ayaa markaas dowladda ay ugu yeertay dambiile, waxayna amartay in lasoo qabtay, hase yeeshee wuxuu hadda Muqdisho kusoo noqonayaa ayada oo dhammaan dambiyadii loo haystay daaqadda laga tuuray, islamarkaana ah saaxiib iyo xulufo.

Hey’adda caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa qoraal ay xalay soo saartay waxay dowladda Soomaaliya uga halbatay in Cabdirashiid Janan ay kula xisaabtanto dembiyada dagaal ee horay loogu eedeeyey, islamarkaana ay cadaaladda hor keento.

Amnesty waxay sheegtay in qoysaska dhibanayaasha u ah xadgudubyada la sheegay in Cabdirashiid Janan ka geystay gobolka Gedo ay mudan yihiin caddaalad.

“Hadda oo Cabdirashiid Janan uu ku jiro gacanta dawladda federaalka ee Soomaaliya, mas’uuliyiintu waa inay xaqiijiyaan caddaalad iyo la xisaabtan la xiriira dhammaan xad-gudubyada xuquuqul insaanka ee lagu tuhmayo inuu ka gaystay Gedo. Dhibanayaasha iyo qoysaska ay tani saamaynta ku yeelatay waxay mudan yihiin caddaalad,” ayaa lagu yiri qoraalka hey’adda Amnesty International.