CC Sharmaarke: 5 qodob oo dowladnimadeena ah ayuu Farmaajo dhaawacay

Nairobi (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Somali Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa si qoto dheer ah u faah faahiyay dib u dhaca iyo dhaawacyada gaaray nidaamka dowladnimo ee Soomaaliya xili tobankii sano ee lasoo dhaafay dowladdihii kala danbeeyay ahaayeen kuwo hadba meel soo gaarsiinayay horumarka iyo qaranimada dalka.

Cumar Cabdirashiid ayaa tilmaamay in nidaamkii dowladnimo ee soo bilowday 2000 ilaa 2017-kii uu galay marxalad dib u dhac ah, isagoo u sababeeyay dowladdii waqtiga dhamaaday taasoo dhaawac gaarsiisay, buu yiri, dadaaladii iyo nidaamyadii soo dhismay in ay burburiso.

Cumar Cabdirashiid ayaa tusaale usoo qaatay shan qodob oo uu ku macneeyay iney meesha ka baxeen.

“Dhibka ugu weyn ee afartii sano ee lasoo dhaaftay na gaaray shan qodob oo dowladnimadeenii ku qodontay ayaa dhaawac gaaray, mudadii afartii sano ee lasoo dhaafay ee jirtay dowladdii Farmaajo waxaa aragnay dad dhahayay nidaamka federaalka waa ku dulmanahay, waxa kaliya ee xal u aragnaana waa dowlad dhexe,” ayuu yiri Cumar Cabdirashiid.

“2000 ilaa 2017-kii aan ka tageynay dalka waxaa lagu soo daadihanayey dalka waxay aheyd dib u heshiisiin in dowladnimadu tahay, maadaama dib u hesiiisiin tahay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha waxaa ka saarnaa xil gaar ah ineysan ku takri-falin awooda dowladnimo, In laga fogaado wax allaale wixii  keenay Soomaalida kalsooni darada dhex taal, In dul qaad ka badan dadka, qof kastana waqtigiisa intuu joogana inuu ku dadaalo ummada Soomaaliyeed meeshey joogto meel ka dhow inuu geeyo,” ayuu yiri Cumar Cabdirashiid oo u waramayay barnaamijka Ha-noolaato ee uu daadihiya Ayaanle Xuseen.

Cumar Cabdirashiid ayaa dib u dhaca iyo rajo xumida Somalia xiligaan ku habsatay ku tilmaamay inay tahay shantaan qodob.

1- Dowladdnimada inay tahay mid dib u heshiisiineed oo dadka meesha ay joogaan meel ka fiican la gaarsiiyo.

2- In dowladnimadeenu noqoto mid madani ah sidi tii DowIaddi lixdanki oo kale parliamentarian system.

3- In adeega dowladeed la gaarsiiyo deegaanada dalka oo dhan oo nidaamka federaalka la hirgaliyo.

4- In ciidanka iyo hay’addaha amniga aysan shaqsi siyaasadiisa u adeegin ee ay dastuurka dalka u hoggaansamaan.

5- In dowlad kastaa ay joogteyso wada-hadalada Somaliland tan iyo inti laga helaayo ummada Soomaaliyeed in mar kale dowlad wadaag hesho.

Cumar Cabdirashiid oo wareysigiisa dhinac badan ugu hadlay ayaa madaxweynihii Farmaajo ka horeeyay ee Xasan Sheekh ku tilmaamay mid wax walba ogolaa isla markaana dadka tabashadooda bogsiin jiray isagoo marna ku fikirin in dalku qalalaase geliyo, kana shaqeeyay in dalku ka dhacdo doorasho xalaal ah.

Ugu danbeyntii wuxuu Cumar Cabdirashiid wareysigiisa ku sheegay in Farmaajo iyo iyo Xasan Sheekh ay kala yihiin labo madaxweyne oo mid uu ka shaqeeyay horumar, in dalku doorasho galo iyo mid colaad, khilaaf iyo kala taga maamulada dalka iyo dowladdii dhexe ka shaqeeyay.

Laakiin Cumar Cabdirashiid ayaa nasiib xumo ku tilmaamay in ra’iisul wasaarihii dalka uu gebay waajibaadkiisii shaqo iyo inuu qaato kaalintiisii dalka ugu aadaneyd badbaadinta dalka iyo dadka.