Shir u furmay madax goboleedyada iyo Farmaajo oo isku dayey inuu sheegto

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan u dhaxeeya madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay Airport Hotel oo ku yaalla xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online.

Shirkan oo u gaar ah shanta Madaxweyne Goboleed ayaa imanaya kadib markii maanta la baajiyay kulan dhex mari lahaa Wakiilada Beesha Caalamka ee C6+ iyo madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada.

Shirkaas ayaa baaqday kadib markii Farmaajo uu cadaadis ku saaray saddexda Madaxweyne Dowlad Goboleed ee taabiciyiinta ah in aanay ka qeyb gelin kulanka. 

Farmaajo oo saaka madaxweynayaasha Galmudug, HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed kula shiray Afisyoone ayaa usoo jeediyay inay wada kulmaan shanta Madaxweyne dowlad goboleed oo qura, ayada oo banaanka ka taagan tahay beesha caalamka.

Ma cadda sababta Farmaajo u diidan yahay in beesha caalamka goobjoog ka noqoto, hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay inuu u arko in beesha caalamka ay xal dhex dhigi karto madax goboleedyada, taasi oo uusan dooneyn.

Arrinta kale ee yaabka leh ayaa ah in Farmaajo goordhow uu warbaahinta dowladda ku baahiyey qoraal uu isku dayayo inuu ku sheegto abaabulka shirka goordhow u furmay madaxda dowlad goboleedyada.

Qoraalkaas ayaa lagu yiri “Madaxweynaha JFS mudane  Mohamed Abdullahi Farmaajo  oo ergo madaxweynayaal ah u diray Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland si  loogu soo qanciyo in ay ka soo qayb-galaan shirka Golaha Wadatashiga Qaran. Madaxwaynayaasha ergada ah ayaa waxay kala yihiin madaxwaynaha Galmudug, madaxwaynaha Koonfur Galbeed iyo madaxwaynaha HirShabeele.”

Shirkan ayaa inuu dhacayo waxaa la ogaa xalay iyo maalmihii tegay. Xogta aan helnay ayaa sidoo kale sheegeysa in shirar labadii habeen ee la soo dhaafay dhex maray Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ay furre u noqdeen shirka caawa furmay. Sidaas darteed maxay tahay ergada uu sheegay in Farmaajo uu galabta un soo diray?

Ma ahan markii koowaad ee Farmaajo uu sidan oo kale u sheegto shir uusan wax kaalin ah ku laheyn. Tusaale, markii uu ogaado in beesha caalamka ay abaabushay shirkii Afisyoone, wuxuu soo saaray qoraal uu shir isugu yeerayo madax goboleedyada. 

Arrintan ayaa muujineysa in Farmaajo talo gacantiisa ay kasii baxeyso, balse uu isku dayayo in weli ay wax walba ku dhacayaan rabitaankiisa, taasi oo ku qasbeysa in arrimo uusan shaqo ku laheyn oo saacad akhiira kula qabsado.