Sawirro: Xildhibaano ku shiray Muqdisho oo digniin culus soo saaray

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta kulan isugu yimid xildhibaanada taabacsan Golaha Badbaado Qaran oo dhawaan Muqdisho looga dhawaaqay, waxaana golahaas ku mideysan guddoomiyaha Aqalka Sare, madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland iyo midowga musharaxiinta.

Xildhibaanadaas oo ka socday labada Aqal Barlamaanka Federaalka ayaa kulankoodii maanta ku soo dhaweeyey dhismaha isbaheysigaan cusub, sidoo kale waxay saxiixeen codsi ay Madashan u soo gudbisay xildhibaanada, kaas oo looga hor tegayo mudo kororsi la sheegay in madaxweyne Farmaajo damacsan yahay.

“Waxaan saxiixnay petition lagu cadaynayo mowqifka Kutlada Badbaado Qaran iyo sida dalka iyo dadka looga badbaadin lahaa qatarka ku soo fool leh. Waxaanan sidoo kale baaq u dirnay dadka Soomaaliyeed, Beesha Caalamka iyo Hay’adaha Dowliga ah ee kaalmeeya dowlada Soomaaliya,” ayuu yiri xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah xildhibaanada kulanka ka qeyb-galay

Qoraalka Xildhibaan Mahad Salaad ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan uga dignay saraakiisha Farmaajo u adeegsanayo burburinta dalka ee ku tumanaya shuruucda dalka in aysan ciqaab la’aan noqon doonin hadii aysan ka waantoobin ficilada liddiga ku ah dimuquraadiyada iyo xasilloonida dalka.”

Ugu dambeyntii waxa uu sheegay in guddoonka baarlamaanka ay uga digeen in dalkan burburintiisa iyaga loo adeegsado, isla markaana ay iska diidaan mudo kororsi uu sheegay in madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday uu damacsan yahay.

“Waxaan uga dignay Gudoonka Barlamaanka inaan dalka gacantooda lagu burburin. Hormuudna aysan ka noqon mudo kordhinta sharci darada ah ee Farmaajo ka raadinayo Goleyaasha Barlamaanka,” ayuu yiri Mahad Salaad.