Wararkii ugu dambeeyay shirka Koonfur Galbeed ee mucaaridka iyo Lafta-gareen

Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa waxa si weyn looga dareemaya oo ka socda diyaar-garowga shirka dib-u-heshiisiinta siyaasiyiinta Koonfur Galbeed.

Amaanka magaalada ayaa aad loo adkeeyay ayada oo dhawaan halkaas la filayo in ay gaaran Wafuud kala duwan oo qeyb ka yihiin Madax ka tirsan dowladda federaalka iyo Ergada ka qayb-galaysa shirka.

Guddiga qaban-qaabada shirka dib-u-heshiisiinta ee uu magacaabay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa sidoo kale ku sugan magaalada Baydhabo, hase yeeshe illaa hadda si rasmi ah looma oga waqtiga uu furmayo shirkaas.

Isaaq Xuseen Mursal oo ka mid ah siyaasiyiinta ku sugan magaalada Baydhabo oo ka hadlay diyaar-garowga shirka ayaa sheegay in la filayo in uu madaxweynaha dowladda federaalka uu kasoo qeyb-galo, si loo dhameeyo xiisada ka dhalatay muddo kororsiga madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen.

“Guddigii farsamada ee guddoomiyaha waa joogaan, iyaga laga warsuga oo u igman howshaan. Waa la socona siyaasiyiin meesha jooga oo howsha dad baa u xilsaaran oo ka warsugeynaa,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas sii raaciyay “Siyaasiyiinta Mucaaridka waa ku qasban yihiin inay imaadan shirka oo dadka wax tabanaya ee shirka loo qabtay waa ayaga, inay imaadan shirka waa ku qasban yihiin.”

Shirkaan oo markii hore loo ballansana 5-ta bishaan ayaa waxa ku yimid dib u dhac, sida la sheegayna ay kow ka tahay arrimo farsamo dartood, waxaana dhawaan la filayaa in wafuuda ay gaarto magaalada Baydhabo.

Shirka dib-u-heshiinta Koonfur Galbeed ayaa lagu rabaa in xal looga gaarayo xiiasda siyaasadeed ee maamulkaasi, taasi oo u dhaxeyso madaxtooyada iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee fadhigoodu yahay Muqdisho.

Dhowaan ayey aheyd markii xiisada siyaasadeed ee maamulkaasi ay isku rogtay gacan ka hadal kadib markii Baydhabo uu ka dhacay iska hor-imaad u dhaxeeyay ciidanka ammaanka iyo kuwa la magac-baxay badbaadada Koonfur Galbeed, kaasi oo khasaare geystay, wuxuuna sidoo kale sii huriyay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan maamulkaasi.