Guddiga joogtada ee BF oo dood ka yeeshay laba sharci oo uu ku jiro midka NISA

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir-guddoomiyay kulanka 12-aad ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka oo maanta qabsoomay.

Shirkaan ayaa waxaa looga hadlaya laba hindise-sharciyeed oo muhiim ah, kuwaasi oo kala ah Hindise-sharciyeedka Hay’ada Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka iyo Hindise-sharciyeedka aqoonsiga iyo diiwaan-gelinta dadweynaha ee loo yaqaan (National ID).

Guddiga ayaa sidoo kale dood dheer ka yeeshay labada hindise-sharciyeed, ayada oo ugu dambeyntiina ay xubnaha guddigaan isla garteen in lageeyo Golaha.

Guddoomiye Aadan Madoobe iyo xubnaha guddigaan ayaa waxa kale oo ay diirada saareen Hirgelinta Xeer-Hoosaadka iyo ilaalinta kooramka xildhibaannada.

Kulamada Golaha Shacabka ayaa muddooyinkii dambe u baaqanayay kooram la’aan, taasi oo caqabad horleh ku noqotay habsami u socodkii shaqada Golaha.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa hore u sheegay in maqnaashiyaha xildhibaanada ay cuuryaamineyso shaqada Bartalamaanka, isaga oo ugu baaqay mudanayaasha golaha inay ka waantoobaan arrintaan.

“Sidaan haddii uu kusii socdo Baarlamaanka ma shaqeyn karno. Xildhibaanada waxaan u sheegayaa inay ka waantoobaan inay ka maqnaadaan shaqada. Ma’aha in sharciga innoo yaallo lagu ciyaaro, waxaana dirayaan farriintii u dambeysay,” ayuu markale hadalkiisa sii raaciyay” ayuu yiri Aadan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in arrintaan ay dhaawaceyso xeerarka u yaalla baarlamaanka iyo sharciga dalka, sida uu hadalka u dhigay.

Baarlamaanka 11-aad ayaa waxaa horyaallo shaqooyin adag, waxaana ugu horreeysa 21 hindise-sharciyeed oo ay usoo gudbisay xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya.