Wararkii ugu dambeeyay Tukaraq iyo arrin cusub oo ay labada dhinac wadaan

Tukaraq-(caasimadda Online) – Xaalad degenaasho oo aan cago badan ku taagneyn ayaa ka jirta deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool oo maalin ka hor dagaal culus uu ku dhaxmaray ciidamo ka kala tirsan maamulada Somaliland iyo Puntland.

Saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in ay deegaanka gaaraan wafdi ka socda maamulka Somaliland oo la sheegay in ay u kuurgali doonaan xaalada deegaanka, iyaga oo dhinaca kalana la kulmi doona saraakiisha ciidamada halkaa ku sugan.

Wararka ayaa sheegaya in wafdiga ka socda dhanka Somaliland ay booqan doonaan goobaha ay ku sugan yihiin ciidankooda, isla markaana ay u kuur galayaan xaalada.

Sidoo kale warar kale ayaa sheegaya in Wafdi ka socda Qaramada Midoobay, Midowga Africa, Dowladda Itoobiya iyo xubno ka tirsan Midowga Yurub ayaa maanta lagu wadaa iney gaaraan deegaanka Tukeraq ee gobalka Sool.

Wafdigaan ayaa xal u raadinaya dagaalka dhiigga badan ku daatay ee tan iyo Bilaawgii sanadkaan ka socday deegaanka Tukeraq kaas oo u dhaxeeya Ciidamo kala Taabacsan maamuladda Puntland iyo Soomaaliland.

Beesha caalamka ayaa horey ugu baaqday in la joojiyo dagaalka Tukaraq, waxaana ay ka dalbadeen dhinacyada dagaalamaya inay gaaraan heshiis xabad joojin shuruud la’aan ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com