Galmudug oo labo garab u kala jabtay iyo madaxdii oo kala degay laba magaalo

Caadaado-(Caasimadda Online) – Wararka laga helayo magaalada Cadaado ayaa sheegaya in maamulka Galmudug uu mar kale khilaaf soo kala dhexgalay, iyadoo laba qeybood u kala baxeen madaxda sare ee maamulkaasi.

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Cali Gacal Casir ayaa saaka gaaray magaalada Cadaado oo horay u aheyd xaruntii KMG Galmudug, iyadoo dib mar kale u soo cusboonaaday khilaafkii horay u ragaadiyay maamulkaas.

Xubnahaan waxaa Garoonka Cadaado,kusoo dhaweeyay Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Galmudug, masuuliyiin iyo qeybaha Bulshada.

labadan Mas’uul ayaa dhowaan shaaciyay inuu jiro khilaaf u dhaxeysa Madaxda Galmudug oo salka ku heysa isku darkii Baarlamaanka, awoodda oo hal dhinac noqotay iyo is bedel lagu sameeyay Dastuurka, kaddib markii Madaxweyne Xaaf uu muddo kororsaday.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa isna shalay dib ugu soo laabtay magaalada Dhuusmareeb Caasimadda Galmudug, iyadoo la  filayo inuu ku dhawaaqo Golaha Wasiirro cusub.

Xaaladda ayaa mareysa heerkii ugu sareeyay, waxaana fashilmay dadaalkii loogu jiray in khilaafka madaxda Galmudug xal loo helo oo ka socday magaalada Muqdisho, iyadoo laga cabsi qabo in magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb ay laba dowladood ka sameysmaan oo mid waliba Galmudug sheeganeysa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com