Xog: Kheyre oo unug ciidan oo ku beel ah ku darsaday ciidamada madaxtooyada

Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida ay Caasimadda Online xogta ku heshay Ra’isulwasaaraha Soomaaliya ayaa ku dhaqaaqay  tallaabo si weyn looga hadal hayo xarunta madaxtooyada Villa Somalia.

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya ayaa hal Unug oo ciidan ka tirsan beeshiisa Murusade gaar ahaan Habarceyne ku dursaday ciidamada Ilaaliya amaanka Madaxtooyada iyo agagaaraheeda ee la yiraahdo 60-aad.

Ra’isulwasaaraha ayaa keensaday ilaa 11 Askari oo u dhashay Beeshiisa, waxaana arrintaas ka dhalatay muran farabadan oo ku aadan inuu Kheyre keensado Madaxtooyada ciidamo isaga ku heyb ah.

Ra’isulwasaaraha ayaa ciidankaas ka dhigtay istaafkiisa gaarka ah, waxaana muuqato inuu Ra’isulwasaaraha garab maray habka loo qaadan jiray ciidamada ka tirsan qeybta 60-aad ee ilaaliyo Madaxtooyada iyo Madaxda qaranka.

Maalmihii ugu dambeeyey arrintaan ayaa noqotay hadal heynta ugu badan, waxayna keentay inay taliyaasha ciidamada Madaxtooyada ka hor imaadaan arrintaas, inkastoo aysan wax saameyn ah ku yeelan go’aanka Ra’isulwasaaraha maadaama ciidamadii uu keensaday loo diiwaan geliyey inay kamid ah noqdaan Qeybta 60-aad.

Lama ogo haddii uu arrintaan wax ka ogyahay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com