Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda Beledweyne iyo barakac ka bilowday kadib…

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saaka xaalad adag oo dhanka nolosha ah ay ka taagan tahay gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaas oo ay xalay ka da’een roobab mahiigaan ah.

Roobabkan oo socday in ka badan afar saacadood oo xiriit ah ayaa ka da’ay xaafadaha magaalada Beledweyne, kuwaas oo saameyn ku yeeshay shacabka ku dhaqan halkaasi.

Biyaha ayaa gudaha u galay qaar kamid ah xaafadaha degmada Beledweyne, taas oo kordhisay xaaladda adag ee ka jirta magaaladaasi oo xarun u ah gobolka Hiiraan.

Xaafadaha ugu daran ee dhibaatada laga soo wariyay ayaa waxaa kamid ah Kooshin iyo Xaawo Taako oo shacabku bilaabeen inay isaga barakacaan guryahooda.

Barakacayaasha ayaa intooda badan gaaray bariga magaalada, gaar ahaan deegaanka Ceel Jaale oo ay inta badan dadka ku barakacaan mar kasta oo ay fatahaad dhacdo.

Saameynta ugu daran roobabkan fatahaadaha wata waxa ay saameyn ku yeesheen dadka danta yar ee ku jira kaamamka barakac ee ku yaalla magaalo madaxda gobolka Hiiraan.

Sidoo kale maamulka degmada ayaa wada gurmad iyo dadaallo lagu samata bixinayo dadka ay saameeyeen roobabka xoogan ee xalay ka da’ay magaalada Beledweyne.

Dhinaca kale waxaa hakad galay duulimaadyada diyaaradaha, maadaama roobabka ay saameeyeen garoonka Ugaas Khaliif oo muhiim u ah isticmaalka dadka shacabka ah.

Sanad kasto fatahaad xoogan iyo daadad ayaa ku dhufto magaaladaan oo uu dhex maro wabiga Shabelle, waxaana khasaaraha ugu badan uu soo gaaraa dadka rayidka ah.