KENYA oo weerar ku dishay ku dhawaad 10 Shabaab ah

Nairobi (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka Kenya ayaa maanta howlgal culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ka fuliyay qaybo kamid ah gobolka xeebta ee Lamu.

Ciidamada ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku dhuumaaleysanay aagga kaymaha deegaanka Kumba ee gobolka Lamu.

Inta la xaqiijiyay waxaa weerarkaasi lagu dilay ugu yaraan 6 ka tirsanaa Al-Shabaab, kadib markii ay ciidamadu ugu tageen goob ay ku dhuumaaleysanayeen.

Sidoo kale ciidamada ayaa soo furtay sahay muhiim ah oo ay ka carareen Alshabaab, sida ay shaaciyeen saraakiil ka tirsan booliska dalka Kenya.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in qaar ka mid ah Shabaabka ay u suurtagashay in ay baxsadaan, kuwaas oo ay weli ku raadjoogaan ciidamada ammaanka ee dalka.

Sarkaal sare oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa farriin u diray dadka deegaanka, wuxuuna ugu baaqay inay muujiyaan feejignaan dheeri ah, maadaama xubnaha baxsaday ay dib usoo abaabuli karaan weeraro ay ka fuliyaan waddooyinka waa wayn ee gobolka.

“Shacabka waxaa lagula talinayaa in ay feejignaadaan sababtoo ah howlgalku wuxuu horseedi karaa dhaq-dhaqaaqyo kordhay oo kooxda ah, gaar ahaan tirada argagixisada dhaawaca ah ayaa lagu soo waramayaa inay badan tahay,” ayuu yiri sarkaal u hadlay Kenya.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guusha ka sheegatay dowladda Kenya oo kamid ah dalalka la dagaalama kooxda.

Maalmihii lasoo dhaafay ciidamada Kenya ayaa kordhiyay howlgallada ay ka wadaan deegaanada dhaca xuduuda, si looga hortegao weerarada kooxda Al-Shabaab.