Wararkii ugu dambeeyey dagaalka Abiy iyo Tigray-ga

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ee Itoobiya ayaa bilowday qorshe cusub oo ay ku qancinayso madaxda dalalka Afrika oo iyagu walaac xoogan ka qaba dagaalka ay xukuumadda Abiy Axmed kula jirto maamulka Tigrayga.

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Itoobiya ahna wasiirka arimaha dibadda, Demeke Mekonne ayaa maalmihii u dambeeyay socdaal ku marayey dalal Afrikan ah, si hoos loogu dhigo walaaca madaxda Afrika ay ka qabaan dagaalkaasi.

Demeke Mekonne ayaa maalmo ka hor kulamo kala duwan la qaatay madaxda ugu sareysa dalka Uganda, isaga oo maantana magaalada Kigali ee xarunta Rwanda kula kulmay madaxweynaha dalkaasi, Paul Kagame.

Kulankan ayaa looga hadlay xaalada cakiran ee gobalka Tigrayga ee waqooyiga Itoobiya, oo labadii toddobaad ee u dambeeyay ay ka socdeen dagaalo u dhaxeeya ciidamada federaalka iyo kuwa maamulka Tigrayga.

Madaxweynaha Rwanda, Paul Kagame ayaa mas’uulka Itoobiya u muujiyay sida xiligan loogu baahan-yahay in nabadda iyo xasiloonida lagu soo celiyo xaalada Itoobiya, iyada oo la qaboojinayo dagaalka sii xoogeysanaya.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Itoobiya ayaa isaguna ku dooday in dowladda federaalku ay wado howl-gal sharciga lagu soo celinayo, taasi oo qeyb ka ah dadaalada ay xukuumada Abiy Axmed ku qancinayso madaxda Afrika.

Dagaalka dowladda federaalka iyo maamulka Tigrayga ayaa u muuqda mid kasii daraya, xili ay socdaan dadaalo lagu rabo in lagu soo afjaro, inkasta oo ay ka madax adeygayso xukuumada Abiy oo khilaaf xoogan kala dhaxeeyo madaxda TPLF