Wararkii ugu dambeeyey dib u bilaabashada doorashada Golaha Shacabka ee BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa Maanta lagu wadaa ina ay Soomaaliya ka bilaabanto doorashii xildhibaanada aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya oo muddo hakad galay, hase yeeshee sida lagu wado haatan ay tahay in la soo gabogabeeyo 25 Bisha February ee soo socota.

Dhanka kale, waxa iyaguna Maanta iska dhex dooranaya guddoomiye cusub guddiga hirgelinta doorashooyinka ee heer Federal kadib markii Guddiga doorashooyinka ay xilka ka qaadeen Guddoomiye Maxamed Xasan Cirro, iyaga oo ku eedeeyey shaqo gudasho la’aan iyo ku milmidda siyaasadda.

Magaalada Baydhabo ayaa la filayaa inay Maanta ka bilaabanto diiwaangelinta Shan Kursi oo la shaaciyay in toddobaadkan lagu dooranayo magaalada Baydhabo.

Sidoo kale Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Gobolada Waqooyi-Somaliland ayaa Shaaciyay odayaasha iyo bulshada rayidka ah ee soo xulayaa ergada.

Guddiga ayaa shaaciyay odayaasha dhaqanka iyo xubnaha soo xulaya ergada Lix kursi oo ka mid ah golaha Shacabka.

Ku dhawaad 241 xildhibaan ayaa la doonayaa in mudada u dhaxeysa 15 bisha Janaayo iyo 25-ka bisha Febraayo lagu soo doorto, xilli horay loo soo afjaray doorashada Aqalka Sare.

Dowladda Maraykanka ayaa baaqyadii ku aaddanaa arrimaha doorashada haatan ku badeshey hanjabaad ka dhan ah dhammaan madaxda saamaynta tooska ah ku leh doorashada Soomaaliya, waa haddii doorashada goleyaasha baarlamaanka lagu soo dhamaystiri waayo xilliga loo asteeyay ee 25 Feberaayo, 2022-da.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Maraykanka Ned Price oo luuqad adag ku hadlay ayaa yiri “Mareykanka wuxuu diyaar u yahay in uu qaado tallaabo ugu habboon oo ay kamid tahay, xayiraado dhanka dal ku galka ah si looga jawaabo in dib u dhaca doorashada iyo tallaabooyinka kale ee carqaladeyn karo hufnaanta doorashada” .

Halkaan hoose ka akhriso odayaasha dhaqanka iyo xubnaha soo xulaya ergada Lix kursi oo ka mid ah golaha Shacabka – Somaliland