Wararkii ugu dambeeyey loolanka doorashada guddoonka guddiga FEIT oo ka socota Hotel Decale

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo Hotel Decale ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inay halkaas ka socoto ololaha loogu jiro doorashada guddoonka guddiga doorashooyinka ee heer Federal oo la filayo inay Berri dhacdo.

Hotel Decale ayaa waxaa ku sugan xubno ka kala socdo labada xafiis ee ugu sareyso dalka ee kala ah midka madaxweyne Faramaajo iyo kan Ra’idsulwasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Xubnaha xafiiska Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo  iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa u ololeenayo inuu tartanka guddoomiyaha guddiga doorashada kusoo baxo  Cabdiraxiim Cabdicasiis, waxayna gudaha guddiga ka wadaan olole xooggan si ay Berri guusha iyaga u raacdo.

Dhanka kale, Ra’isulwasaare Maxamed Xusseen Rooble iyo xulafadiisa ayaa waxay wataan musharax Muuse Geelle waxayna caawa xubnaha guddiga doorashada heer Federal u qeybiyeen lacago si ay Berri u doortaan musharaxa ay wataan.

Sida ay ogaatay Caasimadda Online, xubnaha ka socda xafiiska Ra’isulwasaare Rooble ayaa xubnaha guddiga doorashada heer Federaal siiyey 5 Kun oo Dollar qofkiiba si ay Berri usoo saaraan musharax Muuse Geelle.

Xubnaha ka socdo Rooble ee caawa ku sugan Hotel Decale ayaa waxaa kamid ah

1) Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala

2) Liibaan Axmed Xasan (Shuluq)

3) Abuukaate Cumar Cabdulle (Dhageey)

4) Kamaal Dahir Guutaale

Sidoo kale xogta aan helnay ayaa sheegeysa inuu caawa tartanka doorashada isaga haray Cabdi Xiis Udun oo uu watay madaxweyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe kadib cadaadis uga yimid dhanka xafiiska Ra’isulwasaare Rooble.

Labada xafiis ee ugu sareyso dalka ayaa ku dagaalamaya cidda noqoneyso guddoomiyaha guddiga doorashada heer Federaal oo fure u ah doorashada xubnaha Golaha Shacabka kadib markii dhawaan xilkii laga qaaday guddoomiyihii hore Maxamed Xasan Cirro oo xiriir dhow la lahaa Villa Somalia.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii