Wararkii ugu dambeeyey ee ciidamada gadooday ee qabsaday GAROOWE?

Garoowe (Caasimada Online) – Ciidamo ka gadoodsan mushaar la’aan ayaa saaka oo Sabti ah xiray wadooyin muhiim ah, oo ku yaalla magaalada Garoowe, ee caasimadda Puntland, oo ay kamid yahay mid gasha Madaxtooyadda.

Ciidamada oo ka cabanaya mushaar la’aan mudo 7 bilood ah, ayaa hakad geliyay dhaq-dhaqaaqii dhowr xaruumo dowladeed, Wasaaradoo iyo Aqalka Madaxtooyadda, iyagoo celiyay gaadiidka iyo dadweynaha.

Taliyaha Ciidanka xasilinta gobolka Nugaal Muxyadiin Axmed Muuse iyo Saraakiil kale ayaa ku qanciyay Ciidanka inay furaan wadooyin, iyagoo u balan qaadey in sida ugu dhaqsiyaha badan loo siinayo mushaarkooda iyo xuquuqda kale ee ka maqan.

Gadoodka ciidanka Madaxtooyadda Puntland ee mushaar la’aanta ah mudada ku dhaw halka sano, ayaa kusoo aadaya iyadoo maanta la filayo inay Garoowe soo gaareen madax sare oo ka qeyb-galaya Shirka Gollaha Iskaashiga dowlad goboleedyada.

Ciidamada Ammaanka Puntland ayaa tan iyo markii uu Madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey, Cabdiweli Gaas xafiiska yimid 2014, ku caan baxay inay sameeyaan gadoodka noocan ah, marka ay mushaarka waayaan, iyagoo la wareegga xarumaha dowladda.

Bishii September 2016, ciidamada PIA-da, oo hore loo oran jiray PSF oo ka gadoodsan mushaar la’aan ayaa qabsadey xarunta Bangiga Dhexe ee magaalada Garoowe.

Talaabada noocaan ah ayaa ku soo beegmeysa xilli Puntland lagu wado inay gasho doorashada guud, mida Baarlamaaniga iyo tan Madaxtinimada 2019.

Isha: Garoowe Online