GAL-MUDUG oo yeelatay madaxweyne cusub oo ku shaqeyn doona Cadaado

Cadaado (Caasimadda Online) – Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha ee maamulka Galmudug Axmed Maxamed Maxamuud(Axmed Baasto) ayaa lagu doortay magaalada Cadaado ka dib markii xildhibaanada ku sugan Cadaado ay sameeyeen doorasho Madaxweyne oo u shir gudoominaayay gudoomiye xilka laga qaaday Casir.

Doorashadda Maanta ka dhacday Cadaado ayaa waxaa ku tartamaayay labadda Musharax ee kala ah.

  1. Axmed Maxamuud Xasan Baasto ayaa helay 52
  2. Cabdixakiin Cali Guure ayaa helay 8 Cod.

Garabka Xildhibaanada ku sugan Magaalada Cadaado ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday Abaabul Siyaasadeed oo ay kaga soo horjeeddaan Madaxweynaha Galmudug.

Axmed Baasto ayaa horay u soo noqday Wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug, waana si weyn looga yaqaaano gobolka Mudug.

Xildhibaanada Galmudug ayaa labo u kala qeybsan ,iyadoo ay xusid mudan in garabka ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ay horay u doorteen Gudoomiye Baarlamaan.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
Caasimada@live.com