Wararkii ugu dambeeyey ee magacaabista G/Wasiirada

Muqdisho (Caasimada Online) – Xarunta Villa Soomaaliya ee magaalada caasimada ah ee Muqdisho waxaa ka socda wada-tashiyadii ugu dambeeyey ee magacaabista golaha wasiirada cusub ee xukuumadda ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Wararka ayaa sheegaya in xalay markale ay kulan saddex geesood ah yeesheen madaxeweynaha, ra’iisul wasaaraha iyo guddoomiyaha golaha shacabka, waxaana kulankaas looga hadlay dhismaha xukuumadda cusub ee federaalka Soomaaliya.

Ilo ku dhow kulankaasi oo saacado badan qaatay ayaa Caasimada Online u sheegay in uu ku soo dhammaaday is-afgarad, wuxuuna ahaa mid ay albaabada u xiran yihiin.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in saacadaha soo socda si rasmi ah loogu dhawaaqi doono liiska golaha wasiirada oo la horgeyn doono golaha shacabka.

Xogta aan helnay ayaa sidoo kale sheegeysa in wasiirada la soo magacaabi doono ay isugu jiraan qaar ka mid ah xukuumaddii ra’iisul wasaare Khayre iyo kuwa cusub.

Dad badan ayaa isha ku haya dhismaha golaha xukuumadda oo ay maalmo ku qaadatay Rooble oo codka kalsoonida horey uga helay baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Xukuumadda federaalka ah ee uu hoggaaminayo, Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa horyaalla shaqooyin adag oo ay ugu horreyso doorashada soo socota ee 2020/21.