Nin aflagaadeeyey Nebi Muxamed NNKH oo lagu gowracay dalka Faransiiska

Paris (Caasimada Online) – Macallin Iskuul oo dhiga maadada Taariikhda ayaa lagu gowracay magaalo ku taalla dalka Faransiiska Jimcihii, maalmo kadib markii uu aflgaadeeyey Nebi Muxamed SCW, sida uu xaqiijiyey madaxweyne Emmanule Macron.

Weerarkan ayaa waxaa fuliyey 18 jir muslim ah oo asal ahaan kasoo jeeda gobolka Jamhuuriyadda Chechnya ee Ruushka.

Macallinka la gowracay, oo lagu magacaabay Samuel Paty, ayaa la sheegay inuu ardaydiisa dhowaan usoo bandhigay sawir gacmeed lagu muujinayey Rasuulka SCW, isaga oo ku cayaaraya oo aflagaadeenaya.

Wiilka weerarka fuliyey oo aan weli magaciisa la shaacin ayaa waxaa kadib toogasho ku dilay booliska, kadib markii uu qoorta ka gooyey Samuel.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanule Macron oo booqday waddada uu weerarka ka dhacay ee qoorta looga gooyey Samuel Paty ayaa weerarka ku qeexay “mid fuleynimo ah,” wuxuuna yiri “Samuel waxa uu dhibane u ahaa weerar argagixiso Islaami ah.”

“Mid ka mid ah muwaadiniinteena ayaa la dilay maanta sababtoo ah waxa uu dadka bari jiray xoriyadda hadalka, iyo xoriyadda iyo wax la rumeeyo ama aan la rumeyn,” ayuu yiri Macron.

Weerarka ayaa ka dhacay magaalada Conflans-Sainte-Honorine.

Macallinka la dilay ee Samuel Paty ayaa hanjabaado isdaba joog ah la kulmayey tan iyo markii uu furay dood la xiriirta sawir gacmeedka 10 maalmood ka hor.