Wararkii ugu dambeeyey ee safarka Rooble ee Geneva

Geneva (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magaalada Geneva kula kulmay ergayga gaarka ah ee Dowladda UK u qaabilsan Geeska Afrika iyo Badda Cas Danjire Philip Parham.

Kulankaan ayaa Ra’iisul Wasaaraha iyo Ergayga dhex maray ka hor shirka heerkiisu sarreeyo ee looga hadlayo abaaraha ka jira Geeska Afrika, kaas oo berri ka furmaya Geneva Switzerland.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xiriirka iyo horumarinta iskaashiga xooggan ee labada dal iyo xaaladda abaarta ba’an ee ka jirta Soomaaliya.

Danjire Philip Parham ayaa carrabka ku adkeeyay sida ay dowladda UK uga go’an tahay sii wadista taageerada iyo garab istaagga Soomaaliya.

“Waxay sidoo kale isla soo qaadeen habsami u socodka doorashooyinka dalka oo heer gebogebo ah maraya,waxa uuna danjiruhu Ra’iisul Wasaare Rooble uga mahadceliyay sida wanaagsan ee uu u  maamulay doorashooyinka dalka oo si guul ah ku soo gaaray heer gebogebo ah,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Dhankiisa Ra’iisul Wasaaraha ayaa dowladda UK uga mahadceliyay iskaashiga iyo saaxiibtinimada soo jireenka ah ee kala dhaxeysa dowladda Soomaaliya, gaar ahaan xilliyada ay ku jirto duruufan adag oo kale.”

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa shalay ka ambabaxay magaalada Muqdisho, si magaalada Geneva ee dalka Switzerland uu uga qeyb galo shir caalami ah oo looga hadlayo xaaladda abaareed eek a jirta wadamada Geeska Afrika oo Soomaaliya ay qeyb ka tahay.