Wararkii ugu dambeeyey ee wada-hadallo xasaasi ah oo u socda Falastiin iyo Israel

Qaahira (Caasimada Online) – Mas’uuliyiin ka kala socda Israa’iil iyo Falastiin ayaa shalay ku kulmay magaalada loo dalxiis tago ee Sharm el-Sheikh ee dalka Masar, halkaasi oo ay uga qeyb-galayaan wada-hadal nabadeed oo ay soo qaban-qaabisay dowladda Masar.

Wada-hadalladan ayaa qeyb ka ah dadaallada Mareykanka iyo Jordan ay taageerayaan oo lagu doonayo in lagu qaboojinayo rabshadaha ba’an ee ka socda Daanta Galbeed kahor inta aysan dhalan bisha barakeysan ee Ramadaan.

Shirkan oo shan geesood ah ayaa daba socday shir-madaxeedkii Maraykanka uu garwadeenka ka ahaa ee 26-kii bishii February ka dhacay dalka Urdun, kaasi oo ahaa kii ugu horreeyay ee noociisa ah muddo sanado ah.

Waxaa lagu xaqiijinaya ballan-qaadyada Israel iyo Falastiiniyiinta ee ah in ay xaaladda qaboojiyaan balse waxaa ka soo horjeestay kooxaha labada dhinac oo ku guul-dareystay inay joojiyaan rabshadaha dhulka.

Kulanka Sharm el-Sheikh “ayaa ujeedkiisu yahay in lagu taageero wada-hadalka u dhexeeya dhinacyada Falastiin iyo Israa’iil si looga shaqeeyo joojinta falalka hal dhinac ah iyo sii kicinta, iyo in la joojiyo wareegga rabshadaha ee socda lana helo xasillooni”, ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Masar.

“Tani waxay fududeyn kartaa abuurista jawi ku habboon dib u soo celinta geeddi-socodka nabadda,” ayaa sidoo kale lagu yiri bayaanka.

Falastiiniyiinta ayaa rajeenaya inay yagleelaan dowlad madax-banaan oo ka dhisan Daanta Galbeed iyo Marinka Gaza oo ay caasimad u tahay bariga Quddus –dhulalkan oo ay Israa’iil ku qabsatay dagaalkii 1967-kii.