Wararkii ugu dambeeyey ee wada-hadallada Xasan Sheekh iyo SACIID DENI

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ayaa sheegay in weli wadahadallo xasaasi ah ay madaxtooyada maamulka Puntland uga socdaan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweyne Saciid C/laahi Deni.

Labada mas’uul ayaa weli waxa ay leeyihiin kulamo albaabadu ay u xiran yihiin, isla-markaana ay keli ku yihiin, kuwaas oo galay maalintii saddexaad oo xiriir ah.

Wararka ayaa sheegaya in qodobada qaar ee ay ka wadahadlayaan dowladda federaalka iyo Puntland ay yihiin kuwa adag, waxaana aad u kooban xogta iyo macluumaadka laga heli karo shirarka u socda Xasan Sheekh iyo Deni, maadaama ay saaxafaddu dibad joog tahay.

Sida ay ogaatay Caasimada Online arrimaha adag waxaa ka mid ah awood qaybsiga dowladda federaalka oo ay horey dowlad goboleedka Puntland saluug uga muujisay iyo mashaariicda Puntland loo soo mariyo dhanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Xogaha kale ee aan heleyno ayaa sidoo kale sheegaya in madaxweyne Deni uu ka dalbaday Xasan Sheekh Maxmauud inuu laalo dhammaan xeerarkii dowladdii hore ee Farmaajo ay meel marisay, gaar ahaan kuwii ay ka hortimid Puntland,sida xeerka batroolka Soomaaliya.

Kulamada ayaa weli sii socda, waxaa la filayaa in madaxdu ay soo saaraan warmurtiyeed ku aadan waxyaabaha ay ka wadahadlayaan, waa hadii ay gaaraan is afagarad buuxa.

Safarka madaxweyne Soomaaliya ku gaaray magaalada Garoowe ee Puntland ayaa aad uga duwan kuwii uu horey Xasan Sheekh ugu tegay maamullada Koonfur Galbeed & Galmudug.

Si kastaba, Villa Soomaaliya ayaa horay u shaacisay in booqashada madaxweynaha ee Puntland ay qaadan doonto mudo laba cisho ah, mudadaas oo xalay ku ekeyd, balse waxaa sii dheeraaday kulamada labada dhinac, taas oo keentay in wadahadalladu ay sii socdaan.