Wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda Beledweyne

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta xaalad deganaasho ah oo aan caga badan ku taagneyn laga dareemayo magaalada Beledweyne, kadib markii ay xalay magaaladaasi ka dhaceen dibad-baxyo rabashada watay oo ay dhigeen qaar ka mid ah shacabka deegaanka.

Dibad-baxa ayaa waxaa looga soo horjeeday safar la sheegay inuu Beledweyne ku tegayo madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe).

Shacabka dhigayey dibad-baxa ayaa isugu soo baxay xaafadaha qaar iyo waddooyinka magaaladaasi, waxaana markii dambe kala eryey ciidamada ammaanka.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in qaybo ka mid ah magaalada lagu arkay ciidamo taabacsan sarkaalka lagu magacaabo Nuur Dheere oo ka tirsanaa ciidanka milatariga, balse haatan si weyn uga soo horjeedo HirShabelle, isaga oo la magac baxay Kacdoonka Hiiraan.

Dhaq-dhaqaaqyadaan cusub ayaa muddo kooban saameyn ku yeeshay xaaladda guud ee Beledweyne, kadib markii ay dibad-baxayaashu isku ballaariyeen xaafado dhowr ah.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay mas’uuliyiinta maamulka degmada iyo kan gobolka Hiiraan oo ku aadan rabshadahaasi.

Arrimahan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dhowaan Muqdisho loo soo qaaday Jeneral Xuud oo ka mid ahaa xubnaha diidan HirShabelle, kaas oo wada-hadal kula jiro dowladda dhexe.

Beledweyne ayaa ka mid ah magaalooyinka loo qorsheeyey inay ka dhacaan kuraas ka mid ah doorashada Golaha Shacabka, waxaana weli ka taagan xiisad xoogan oo ka dhalatay dhismaha HirShabelle, gaar ahaan doorashadii Madaxweyne Cali Cabdullaahi Guudlaawe.