Wararkii ugu dambeeyey ee xiisadda Galmudug iyo xaaladda oo kasii dartay

Cadaado (Caasimadda Online) – Magaalada Cadaado waxaa ku sugan Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir iyo Madaxweyne ku xigeenka  Maxamed Xaashi Carabey iyo Xildhibaano aan badneen oo ka tirsan Galmudug,  waxay abaabulayaan shirar ka dhan ah Madaxweyne Xaaf iyo Madaxda Xukuumadda Sh/Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Xildhibaano ayaa ku sii qul qulaya magaalada Cadaado inkastoo aysan tiro badneen, warar ay heshay KNN ayaa sheegaya in xildhibaanada qaar aysan wali gaarin Cadaado laakiin qorshuhuu uu yahay iney gaaraan maalmaha soo socda hadii aysan xaaladda isbadalin.

Dhinaca kale Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo Madaxweyne Xaaf ayaa dhankooda shirar gaar gaar ah oo looga soo hor jeedo kulamada Cadaado waxay ka wadaan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.

Madaxweyne Xaaf ayaa u yeeray Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ee ku sugan Muqdisho iyo Cadaado, Xildhibaanada uu Xaaf u yeeray ayaa u badan kuwii hore ee Baarlamaanka Galmudug, sababtoo ah kuwa ka yimid dhinaca Ahlusunna Shiikh Shaakir iyo Madaxweyne Xaaf kama qabaan cabsi iyo iney ka soo hor jeesan doonaan.

Xaaladda Galmudug ayaa sii galeysa marxalad adag oo jahwareer ah lamana oga sida noqon doonto xaaladda siyaasadeed ee Galmudug, Dowladda Soomaaliya ayaa wado dadaalo xoog leh oo ay ku qaboojineyso Culeeska siyaasadeed ee ka taagan deegaanka Galmudug.

Shir deg deg ah oo ay yeesheen xildhibaano iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Galmudug ayaa waxa ay kaga hadleen khilaafka Cusub ee Madaxda Galmudug.

Xildhibaanada iyo Wasiirada shiray ayaa waxa ay sheegeen in hadalkii kasoo yeeray madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi iyo guddoomiye Cali Gacal Casir uu yahay mid fowdo ah,isla markaana wax u dhimaya maamulka aan weli sal fadhiisan ee Galmudug.

Waxa ay sheegeen in labadooda aysan aheyn dad cusub,balse iyagu ay Galmudug waxka dhisaan xilligaana aan looga baahneyn in ay khilaaf Cusub abuuraan.

Ugu dambeyn waxa ay ku baaqeen in hadalkii kasoo yeeray guddoomiyaha iyo madaxweyne ku xigeenka ay ku mudan yihiin in loo maxkamadeeyo sida ay hadalka u dhigeen.

Hadalka kasoo baxay xildhibaanada iyo wasiirada galmudug ayaa dadka siyaasada indha indheeya waxa ay sheegeen in uu yahay mid sii xoojinaya khilaafka cusub ee madaxda Galmudug.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com