Wararkii ugu dambeeyey khilaafka Guudlaawe iyo Dabageed oo kasii daraya

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Jowhar ayaa ku warramaya inuu ka sii darayo khilaafka soo kala dhex-galay madaxweynaha HirShabelle iyo ku xigeenkiisa, kaas oo ka dhashay kuraas ka mida doorashada Aqalka Sare ee maamulkaasi.

Muranka oo haatan cirka isku sii shareerayo ayaa ka dhashay labada kursi ee ka harsan doorashada Aqalka Sare, taas oo ay isku qabteen Cali Guudlaawe iyo Yuusuf Dabageed.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in is-faham waa uu ku soo dhammaaday kulan ay yeesheen labada mas’uul, kaas oo looga hadlayey xalinta khilaafka dhexdooda ah.

Ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay ayaa inoo sheegay in Cali Guudlaawe & Dabageed ay kala wataan laba musharax oo u wada tartamaya kursiga beesha Xawaadle, wuxuuna mid kasta uu doonayaa inuu soo saarto musharixiisa, taas oo dhalisay khilaafka haatan hareeyey doorashada Aqalka Sare, oo hakad-gashay sababo la xiriira xiisadda soo korortay.

Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa inay xalinta khilaafka ku baxeen guddoomiyaha baarlamaanka HirShabelle iyo ku xigeenadiisa oo waan-waan ka dhex bilaabay labada mas’uul.

Khilaafkan ayaa waxaa uga sii daray, kadib markii ay musharixiinta qaar cabasho ka keeneen hab maamulka loo wajahayo kursiga ay damacsan yihiin in ay u tartamaan.

Doorashada HirShabelle ayaa si habsame leh ku bilaabatay, iyada oo si furan loogu tartamay 6 kursi ee doorashadooda lagu qabtay magaalada Jowhar ee gobolka Sh/Dhexe.