Xog: Xafiiska Farmaajo oo ku adkeysanaya inay socdaan wada-hadallada ROOBLE

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku adkeysanaya inay weli socdaan wada-hadallada ra’iisul wasaare Rooble.

Caasimada Online ayaa og in wada-hadalladaas ay burbureen kadib markii Farmaajo uu ku adkeystay in shaqsi isaga ku xiran loo magacaabo taliyaha NISA, sidoo kalena la beddelo wasiirka amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Hase yeeshee, mas’uul ka tirsan Villa Somalia oo codsaday inaan la magacaabin ayaa BBC-da u sheegay in wada-hadallada ay wali socdaan, islamarkaana uu filayo inay guul ku soo dhammaadaan.

“Waxaan bogaadineynaa dedaallada ay wadaan guddoomiye Maxamed Mursal iyo madaxweyne Axmed Qoor Qoor. Waxaan ku kalsoonahay dedaalka socda in uu guul ku dhammaanayo,” ayuu yiri sarkaalaasi oo ka gaabsaday in magaciisa.

Xafiiska ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaan illaa hadda ka hadlay burburka ku yimid wada-hadallada.

Wasiirka warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa xalay sheegay in Galmudug ay waqti badan ku bixisay u kala dabqaadida Farmaajo iyo Rooble, isla markaana ay mudadaas ka dayacmeen howlo badan oo maamulka hor yaallay.

Wasiirka ayaa cadeeyey in hadda Galmudug ay faraha kala baxday dhexdhaxaadintii labada masuul, waxuuna garabka madaxweyne Farmaajo ku eedeeyey in dhankiisa ay waxba ka socon waayeen.

“Socodsiinta wadahadallada waxaa laf-dhabar u ahaa Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor iyo Guddoomiye Maxamed Mursal, isku dayo qaatay in ka badan waqtigii loogu tala galay ayaa lagu bixiyey xal u helidda khilaafkaas, laakiin albaabkaas xalay ayuu soo xirmay, shirarkii iyo dadaaladii socdana xalay ayaa albaabada loo laabay,” ayuu yiri wasiir Falagle.

Sadoo kale wasiirka warfaafinta Galmudug waxa uu sheegay in hadda madaxweynaha Galmudug uu ka dhex-baxay dhinacyada, isagoo sheegay in maamul goboleedyada kale ay fursad siiyeen hadii ay xalin karaan khilaafka madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha.