Wararkii ugu dambeeyey Kismaayo & dagaal mar kale ku wajahan magaalada

Kismaayo (Caasimada Online) – Xasan Qaasim Warsame, oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Col. Barre Aadan Shire Hiiraale ayaa sheegay  in ciidan dhawaan tababar ay ugu soo xireen deegaanka Goobweyne ee Gobolka Jubada Hoose ay diyaar u yiiin sidii ay ula dagaalami lahaayeen ciidanka Kenya ee ku sugan Kismaayo.

Waxa uu sheegay afhayeenku in ay ladagaalamayaan ciidanka Kenya maadaama dhib weyn ay ku hayaan sida uu yiri bulshada Jubbooyinka, isagoo xusay in awoodooda ay tahay mid ku filan weeraro ay ku qaadaan ciidanka Kenya.

Dhinaca kale waxa uu sheegay in iminka uu socdo abaabulkii ugu dambeeyey ee ku aadan qaadista weeraro ka dhan ah Magaalada Kismaayo oo ay ku sugan yihiin ciidamada Amisom iyo kuwa Jubba.

Shalay ayaa dagaal culus wuxuu ka dhacay duleedka Kismaayo gaar ahaan deegaanka Goobweyn, halkaasi oo ay isku fara saareen maleeshiyada Maamulka KMG ee Jubba iyo kuwa Barre Hiiraale.

Dagaalkaasi, ayaa yimid kadib markii maleeshiyada Axmed Madoobe ay isku dayeen inay carqaladeeyaan tababar uu Barre Hiiraale ku qabanayey deegaanka, taasi oo keentay in dib loo soo ceyriyo laguna soo celiyo gudaha magaalada Kismaayo.

Xaalada Goobihii lagu dagaalamay ayaa degan oo aysan jirin dhaq-dhaqaaq ciidan iyo xiisad laga soo sheegayo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com