DFS oo Juhdi ku bixineysa sidii Axmed Samatar loo soo xero gelin lahaa (Xog)

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Federaalka Somalia ayaa wado Qorsho ay Prof Axmed Ismail Samater loogu soo dari lahaa Dowlada Madaxweyne Xassan Sheekh.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa waxa uu dhowr Jeer Axmed Ismail Samater u diray dhambaalo uu ugu baaqayay inuu ka qeyb qaato dhismaha dalka qeybihiisa kala duwan wallow aan la Ogeyn halka uu wada hadalka uu maraayo.

Waxaa la tilmaamayaa inuu iminka socdo kasbasho ay Dowladu ku sameyneyso Aqoonyahaanka Soomaaliyeed oo isagu godobo badan ka tabanaayo Siyaasadaha Dalka ka taagan.

Madaxweyne Xassan ayaa la sheegayaa in xiligaani uu diyaar u yahay inuu dib usoo Celsho Axmed Ismail Samater, waxaana jiro warar hoose oo sheegaya inuu ku casuumay Magaalada Muqdisho si looga saaro tuhunada, inkastoo aan laga sii faalon xiliga uu Samatar fulin doono codsiyada Madaxda dalka kaga imaanayo ama imaan shihiisa Magaalada Muqdisho.

Prof Samatar ayaa waxa uu dhawaan ka baxay kamid ahaan shaha Dowlada Somalia, waxaana iminka soo celintiisa loo xil saaray Mas’uuliyiin ay Samatar is xigaan oo xubno ka ah Dowlada Federaalka Somalia.

Ma aha mid lasii saadalin karo sida uu Samatar uga jawaabi doono hadalada kaga imaanayo dhanka dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com