Wararkii ugu dambeeyey ee shirka Baydhaba iyo R/W Kheyre oo gaaray halkaas

Baydhabo (Caasimadda Online) – Shirka Golaha Amniga Qaranka ayaa la filayaa in gelinka dambe ee maanta inuu ka furmo magaalada Baydhabo, iyadoo Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ay ku wajahan yihiin.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Madaxda dowlad goboleedyada iyo wafuud ka socota Beesha caalamka ay ku sii jeedaan.

Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxa goordhow agarey wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre halakas oo manta lagu wado in uu ka furmo shirka Amniga Qaranka.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa Baydhabo ku soo dhaweeyey xubno uu hor kacayey Madaxweynaha dowald goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,xildhibaano iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa la filayaa inay saacadaha soo socdo gaaraan Magaalada Baydhabo, waxaana shir guddoomin doono madaxweyne Farmaajo halka ay xaadir kusoo noqon doonaan dhammaan madaxda Maamul Goboleedyada Dalka.

Shirkaan ayaa diirada waxaa lagu saari doonaa xaaladaha amaan ee dalka iyadoona la filayo in aad loogu lafaguri doono amaanka iyo arimo kale oo ay kamid tahay doorashada 2020.

Bilihii dambe ayaa waxaa jiray mad madoow u dhaxeeyay madaxda dowlada dhexe iyo Madaxweynayaasha maamul goboleedyada, kuwaas oo bishii hore ku kulmay isla magaaladaan islamarkaana dhaliilay madaxda dowlada dhexe ee Soomaaliya.

Waxaan la filayaa si gooni ah looga hadlo mad madoowga u dhaxeeya madaxda dowlada dhexe iyo madaxweynayaasha maamul goboleedyada ee ku kulmaya magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.

Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan oo shalay gaaray Baydhabo ayaa ugu baaqay dadka reer Baydhabo inay ka qeyb qaataan soo dhoweynta wafuuda imaaneysa.

Ammaanka guud ee magaalada Baydhabo ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana ciidamada dheeraad ka geeyay duleedyada magaalada iyo gudaha, waxaana la baarayay gaadiidka kala duwan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com