Wararkii ugu danbeeyay ee Khilaafka u dhaxeeya Xasan Sheekh iyo Cabdi Weli

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararkii ugu danbeeyay ee naga soo gaaraya Villa Somalia ayaa sheegaya in Khilaafka Madaxweyne Xassan iyo Ra’isulwasaare C/weli uu halkiisa weli taagan yahay, iyadoona qaati laga taagan yahay qaabka labada Mas’uul leysugu geyn lahaa.
Madaxweyne Xassan ayaa gaashaanka u daruuray inuusan hor fadhiisan doonin Ra’isulwasaare C/weli ilaa uu dib uga laabto go’aanka uu khilaafka ka dhashay.

Xassan waxa uu cadeeyay in la heshiiska C/weli Sheekh ay uga wanaagsan tahay in Dowladiisu ay ku dhamaato iyada oo uu taagan yahay khilaafka labada mas’uul.

Madaxweynaha waxa uu weli ku adkeysanayaa inuu saxan yahay islamarkaana waxa uu qaladaadka oo idil dusha u saaray C/weli sheekh, halka C/welina uu ka sheegayo in xassan uu ka weecday nidaamka dowladnimo.

Kullan xalay ka dhacay Villa somalia oo u dhexeeyay Madaxweynaha iyo Diplumaasiyiin badi ka socday Safaaradaha ajaanibta ay ku leeyihiin Muqdisho kullankaasi oo ahaa mid Madaxweynaha looga dhaadhacsiinaayay inuu ka tanaasulo qodobada uu tiigsanaayo.

Kullanka oo la sheegay inuu qaatay ku dhawaad Seddex saac ayaa waxa uu biyo dhiciisu noqday fashil kadib markii Xassan uu ka biyo diiday inuu ka tanaasulo qodobada uu khilaafka ka dhashay.

Dhanka kale, Ra’isulwasaare C/weli ayaa dhankiisa ka sheegay inuu ku taagan yahay wado sharci ah, islamarkaana aysan suuro gal aheyn inuu ka weecdo sharciga oo uu raali galiyo Madaxweyne xassan.

Waxaa muuqaneysa ifafaalo muujineysa in labada mas’uul ay aad usii kala fogyihiin islamarkaana ay ka biyo diideen in xal laga gaaro Khilaafkooda kadib markii midba uu geed cuskaday.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com