Socdaalka Xasan ee Koonfur Galbeed

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxwayanaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya  ayaa maanta  si rasmi ah u faray shirka maamul u sameynta Koonfur Galbeed ee dalka  oo ay ku midaysan yahiin  gobalada Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

Shirka dhisidda maamul u sameynta koonfur galbeed ee dalka waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, Wakiilada beesha caalamka u jooga Soomaaliya, ergo ka kala socda saddexda gobol ee uu maamulku ka koobanyahay iyo marti sharaf kale.

Qaar ka mid ah salaadiinta saddexda gobol oo shirka hadal ka jeediyay ayaa hoosta ka xariiqay in ay aad ugu faraxsanyihiin in la gaaray waqtigii la dhisi lahaa Maamulka KMG ah ee Koonfur Galbeed ee dalka.

Safiirka dowladda Denmark ee Soomaaliya oo isna kulanka ka hadlay ayaa sheegay in bisha November ay magaalada Copenhagen ku qaban doonaan shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan sidii dhaqaale loogu uruurin lahaa.

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Key oo shirka ka hadlay ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay gacan ka geysan doonto dhaqaalaha ku baxaya shirka inta uu socda, ayna soo dhaweynayaan qodobada ka soo baxa shirka ee ku aadan dhismaha Maamulka koonfur Galbeed ee dalka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ugu horeyn u mahadceliyay odoyaasha dhaqanka doorka ay ku lahaayeen in maanta la furo shirka dhisidda maamul u sameynta bulshada degta gobolada Baay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose, isagoo dowladda iyo beesha caalamka ka dalbaday in ay ka qeyb qaataan wadahal siinta Maamulka KMG ah ee Jubba iyo mas’uuliyiinta maamulka koonfur galbeed ee la dhisayo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo furay shirka ayaa ergeda ka qeyb galaysa ugu baaqay inay ka fekeraan mustaqbalka bulshada ku nool saddexda gobol, waxaana uu beesha caalamka uga mahadceliyay doorka ay ku leeyihiin qabsoomidda shirka.

380 ergo oo ka kala socda gobolada Baay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose ayaa inta uu socda shirka waxa ay meel marin doonaan dastuurka u degsan Maamulka Koonfur Galbeed iyo doorashada hogaanka maamulkaasi.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com