Xog: Loolanka Sacuudiga iyo Masar ee Geeska Afrika iyo xiisadda ka taagan

Jabuuti (Caasimada Online) – Dalalka Masar iyo Sacuudiga ayaa waxaa ka dhex ooggan xiisad ka dhalatay heshiiska dowladda Saudi Arabia ay bishii December la gashay dalka Jabuuti oo saldhig milatari ay uga dhisaneyso dalkaas.

Masaarida ayaa aad uga naxay markii heshiiska lagu dhawaaqay, waxayna soo saareen jawaab u dhigneyd “Qaahira way kasoo horjeedaa heshiiskan, waayo waxay Jabuuti u aragtaa inay qeyb ka tahay xeendaabka saameynta Masar, waxaana halka Jabuuti ay ku taal ay muhiim u tahay ammaanka Masar”.

Diblomaasiyiin Masaari ah ayaa shaaca ka qaaday in xukuumadda Qaahira ay dhowr bilood ka hor billowday dadaallo ay ku joojineyso heshiiska saldhigga milatari ee Sacuudiga looga dhisayo Jabuuti.

Cadaawadda ka dhex oogan labadan dal ee carbeed ayaa waxaa sii dheereenaya muranno kale oo ka dhaxeeya, oo ay ka mid yihiin in Masar ay taageertay qaraar golaha ammaanka ay geeyeen Ruushk oo u xaglinaya madaxweyne Assad-ka Syria.

Ilo-wareed arrintan xog ogaal u ah ayaa yiri “Masar waxay ka walaacsan tahay isballaarinta Sacuudiga iyo Morocco ee gobolkan, kadib markii boqorka Morocco Mohammed-ka afaraad uu safar ku tagay dalka Ethiopia, safarkaas oo Sacuudiga uu soo qaban qaabiyey”

Waxaa sidoo kale xiisadda shidaal kusii shubay markii Ahmed al-Khatib oo la-taliye u ah maxakmadda sare ee Sacuudiga uu booqday biyo-xireenka webiga Nile ee Ethiopia ay dhiseyso, kaasi oo Masar ay u aragto mid halis ku ah nolosha 92-ka milyan ee reer Masar.

Kaaga sii daran’e, ra’iisul wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn ayaa ugu baaqay Sacuudiga inay maaliyad ahaan taageeraan biyo xireenka, ayna Ethiopia ku sameystaan maal-gelin dhinaca tamarta ah.

Waxaa hadda socda dadaallo labada dal laga dhex wado oo ay ka shaqeynayaan dalal kale oo carbeed, hase yeeshee ma muuqdaan wax astaamo ah oo muujinaya inay miro dhalayaan.

Hogaamiyayaasha Masar ayaa laga soo xigtay “Waxa hadda socda waa isku day lagu cadaadinayo Masar, hase yeeshee Masar waxay jilbaha dhulka u dhigan doontaa Allah kaliya”.

Caasimada Online
Xafiiska Jabuuti
caasimada@live.com