Warbixin: Mareykanka oo si tartiib ah ciidamo ugu daadgureynaya Somalia

Washington DC (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa si tartiib ah ciidamo ugu direysa dalka Soomaaliya, islamarkaana u kordhineysa, sida uu daabacay wargeyska Politico ee kasoo baxa Washington DC.

Warbixintan ayaa lagu sheegay in sanadkan Mareykanka uu laba jibaaray tirada ciidamadii ka joogay Soomaaliya, oo uu gaarsiiyey 500 oo askari.

Pentagon-ka ayaa sidoo kale ciidamada howlgallada gaarka ah ku daad gureynaya Soomaaliya, si ay ciidamada Soomaaliya uga caawiyaan dagaalka ka dhanka ah kooxaha xagjirka, sida saraakiil ay u sheegeen Politico.

Waa ciidamadii ugu badnaa ee Mareykan ah ee jooga Soomaaliya, tan iyo dhacdadii Black Hawk Down ee saanddii 1993-kii lagu dilay 18 askari oo Mareykan ah.

Ciidamada Mareykanka ayaa waxa ay hadda laba xarun oo milatari ku leeyihiin magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, waxayna kordhiyeen duqeymaha ka dhanka ah kooxaha mintidiinta.

“Waa qasab inaan ciidamo kooban oo dhulka ah gayno Soomaaliya, si aan u caawino dowladda Soomaaliya” Waxaa sidaas yiri Gen. Don Bolduc, oo horey madax uga ahaa ciidamada howlgallada gaarka ah ee Mareykanka ee Afrika.

Waxay u muuqataa in Mareykanka uu beddelayo siyaasaddii hore ee ahayd in duqeymo cirka oo kaliya lagu beegsado xagjiriinta Soomaaliya, oo hada ay soo kordheen howlgallada gaarka ah ee dhulka laga fuliyo.

Waxaa la filayaa in Mareykanka uu sii kordhiyo ciidamada ka jooga Soomaaliya, inkasta oo aan la ogeyn tirada uu gaarsiin doono.

Caasimada Onlinne
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com