Kenya: Maxkamadda sare oo go’aan ka gaartay doorashadii Kenyatta

Nairobi (Caasimadda Online) – Maxkamadda ugu sarreysa dalka Kenya ayaa tuurtay dacwad ka dhan ahayd dib u soo doorashada madaxweyne Uhuru Kenyatta bishii la soo dhaafay.

Lixda garsoore ee dhageysanayay dacwaddan ayaa isku raacay ansixinta guusha Kenyatta iyagoo meesha ka saaray eedaymaha la soo jeediyay.

Guddoomiyaha garsoorayaasha David Maraga ayaa sheegay in garsoorayaasha ay 21 bari guduhood ku bixin doonaan faahfaahin ku aadan sababta ay u ansixiyeen guusha Kenyatta.

Qaar ka mid ah xaakimiinta

Go’aankan ayaa waxa uu waddada u xaarayaa in Kenyatta mar kale xilka loo dhaariyo isbuuca soo socdo.

Maxkamadda oo la alkumay sanaddii 2010 ayaa taariikh sameysay bishii September markii ay waxba kama jiraan ka soo qaaday gushii Kenyatta ee doorashada Agosto. Waxayna amartay in doorasho hor leh lagu qabto lixdan maalmood gudahood.

Hogaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ayaa taageerayaashiisa ugu baaqay inay qaadacaan doorashadaasi kuceliska ahayd isagoo sheegay in guddiga doorashada uu diiday inuu sameeyo isbadel hubin lahaa in doorashadu ay u dhacdo si xaq iyo xor ah.

Weriye ka tirsan BBC-da ayaa ku soo warramaya inuu jira shaki ah in go’aanka maxkamadda ee maanta uu soo aafjari kara qalalaasaha siyaasadeed ee ka taagan dalka.

Jimcihii, rabshado ayaa ka dhacay Nairobi kuwaas oo u dhexeeyay booliska iyo taageerayaasha Raila Odinga oo doonayay in ay hoggaamiyahooda soo dhoweeyaan. Wuxuu ka soo laabanayay Mareykanka oo uu isbuuc ku maqnaa.

Sabtidii afar qof ayaa lagu dilay magaalada Nairobi. Dadka deegaanka ayaa sheegay in koox ku hubeysan qoryo iyo baangado ay weerareen xaafado kala duwan, ayna ku dileen dad, hantina dheceen.

Booliska ayaa sheegay in ay baarayaan dhacdada iyo waxa sababay. Maydadka ayaa lagu tuuray meelo qashin qub ah.