Wareysi: Jubbaland oo xog cusub ka bixisay ciidanka Itoobiya ee soo galay Gedo

Kismaayo (Caasimada Online) – Mas’uuliyiinta amniga ee maamul goboleedka Jubaland ayaa faah-faahin ka bixiyey ciidamo ka socda dowladda Itoobiya, kuwaas oo dhaq-dhaqaaqyo cusub ka bilaabay magaalada Doolow ee gobolka Gedo.

Wasiirka Amniga Jubbaland Yuusuf Xuseen Cismaan Dhuumaal oo la hadlay Idaacadda VOA ayaa wax caadi ah ku tilmaamay dhaq-dhaqaaqyadaan cusub ee ciidanka Itoobiya ay ka bilaabeen gobolka Gedo, isagoo qiyaasay tirada ciidankaas.

Wasiirka ayaa sheegay in ciidankaas ay ka war hayaan oo dhawaan ay si wadajir ah weerar ugu qaadi doonaan kooxda Al-Shabaab oo sida uu sheegay dooneysa inay isku baahiso dhul aysan horay u heysan.

Sidoo kale wasiirka amniga Jubbaland wuxuu sheegay in ciidanka Itoobiya ee gobolka Gedo soo galay aysan aad u badaneyn, isagoo ku qiyaasay laba boqol oo askari.

Wuxuu sheegay in horay ciidan Itoobiyaan ah ay gobolka u joogeen, kuwaan cusub ee lagu soo kordhiyana aysan wedin wax dhibaato ah, isla markaana ay iska kaasha doonaan la dagaalanka Al-Shabaab.

“Maadaama ciidamadeenu ay yaryihiin, dhul badana laga qabsaday Al-Shabaab, waxay dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya isla garteen in ciidan la geeyo dhulka xuduudaha ah, inta ay kala wareegeyso dowladda Soomaaliya,” ayuu yiri Wasiirka Amniga Jubbaland Yuusuf Xuseen Cismaan Dhuumaal.

Isagoo sii hadlayey ayuu yiri, “Dhaqdhaqaayadaan ciidan ma ahan arrimo dhul Soomaaliyeed lagu qabsanayo ama aanaa ogeyn, mana ahan arrimo ay mucaarad ama dad warxumo tashiil ah ay ka faa’iideysa karaan, howshaan waa mid quseysa amniga oo lagula dagaalamayo argagixisada.”

Gobolka Gedo waxaa hadda maamula siyaasiyiin ka madax-banaan maamulka Jubbaland oo ay geysatay dowladii hore ee Farmaajo, waxaana shalay magaalooyin ay ugu horeyso Doolow soo galay ciidamo badan oo Itoobiyaan ah.