Mahad Salaad oo isbeddel ku sameeyey qeybo ka mid ah hoggaanada NISA – Xog

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha hey’adda Nabad sugidda Soomaaliya ee NISA Mahad Maxamed Salaad ayaa is bedalkii labaad oo cusub ku sameeyay qeybo ka mid ah hoggaanada hey’adda.

Qeybaha is bedelka lagu sameeyay waxaa ka mid ah Agaasinka arrimaha dibadda ee NISA oo loo magacaabay sarkaal lagu magacaabo Caddow oo horay u heystay waaxda CT-ta ee Taliska NISA.

Xilkaas Agaasinka arrimaha dibadda ee NISA waxaa laga qaaday sarkaal lagu magacaabo Liibaan Kadiye oo ka mid ahaa raggii aadka ugu dhowaa Agaasimihii hore ee hey’adda Fahad Yaasiin.

Liibaan ayaa ka mid ahaa raggii horay u raacay Fahad Yaasiin markii ugu dambeysay ee dalka uu isaga baxay, kadib guul daradii doorashada ee Madaxweyne Farmaajo.

Tan iyo markii uu xilka la wareegay Mahad Salaad 29-kii May 2022, wuxuu dib u habeyn xoog leh ku waday hey’adda NISA, isagoo isbedello waaweyn ka sameeyey gudaha hey’adda, si uu meesha uga saaro habkii ay u shaqeyneysay 5-tii sano ee dowladii Farmaajo, xilligaas oo awoodda ugu sareysa uu lahaa Fahad Yaasiin.

Agaasimaha cusub ayaa wajahay dagaal hoose oo uu la galay agaasimihii hore oo wareysi uu bixiyey ugu baaqay saraakiisha NISA in aysan wax sir ah ama xog ah la wadaagin Mahad Salaad, isagoo ku eedeeyay inuu la shaqeeyo Alshabaab.

Mahad Salaad oo madaxweyne Xasan Sheekh aad ugu dhow ayaa loo dhiibay shaqada ugu adag, wuxuuna isagoo waqti iska lumin si degdeg ah u bilaabay nadiifinta hey’adda iyo sidii uu meesha uga saari lahaa saameynta Fahad Yaasiin.

Sidoo kale Mahad Salaad ayaa dhowaan mushaaraadka u kordhiyey Saraakiisha, Ciidamada iyo Shaqaalaha hay’adda Nabad sugidda, kadib markii la jaray lacago shaqsiyaad gaar ah lagu naas-nuuji jiray iyo kuwo loo bixin jiray (Spesa Politica) kharashaad siyaasadeed oo maamulkii hore ee hay’adda ku maareyn jiray howlaha siyaasadda.

Sidoo kale Agaasimaha wuxuu go’aamiyay in askarta iyo saraakiisha hay’adda ee geeriyooday ay qoysaskooda xuquuq ka heli doonaan dowladda, halka markii hore aysan laheyn wax xuquuq ah.