Sawirro: Muxuu Madaxweyne Xasan Sheekh caawa kala hadlay ganacsatada Soomaaliyeed?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Ganacsatada Soomaaliyeed, wuxuuna kala arrinsaday iskaashiyada ganacsi ee heer gobol iyo kobcinta maalgashiga dalka.

Madaxweynaha ayaa Ganacsatada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay xoojiyaan doorkooda ku aaddan xoojinta maalgashiga dalka iyo wax soosaarka.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ganacsatada ku bogaadiyey dhabar adaygga ay ku wajaheen duruufihii dhaqaale ee adkaa ee la soo maray, ‘taas oo muujinaysa hal abuurka maalgashi iyo ganacsi’ oo ay ku tilmaaman yihiin dadka Soomaaliyeed.

“Dowladdaani waxay ka shaqeyneysaa in ganacsatada loo fududeeyo dhaqdhaqaaqa ganacsi iyo maalgashi. Dalkaan in uu noqdo dal dhaqaalahiisa furan yahay baan rabnaa, suuq xor ah in uu yeesho baan rabnaa. Fursadaha dalkaan ka jira meel ay Adduunka ka jiraan waa yar tahay,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa dalka Uganda kaga qaybgali doonta Shirka Ganacsiga iyo Maalgashiga ee Soomaaliya iyo Uganda, kaas oo ujeedkiisu yahay sare u qaadidda ganacsiga u dhexeeya labada dal.

Shirkaas waxay ganacsatada dalalka Soomaaliya iyo Uganda ku lafo-guri doonaan fursadaha maalgashiga, ganacsiga iyo wax soosaarka labada dal.