Maxamed Cabdirisaaq oo shaaciyey cidda ka dambeysa xil ka-qaadistiisa iyo sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii galabta xilka laga qaaday ee arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo wareysi siiyey idaacadda VOA, ayaa shaaca ka qaaday cidda iyo sababta ka dambeysa xil ka qaadista uu Rooble ku sameeyey.

Maxamed Cabdrisaaq ayaa sheegay sheegay in maalmo ka hor uu codsaday inuu xilka isaga tago, balse ay ka diideen Rooble iyo Farmaajo.

Maxamed Cabdirisaaq ayaa muujiyey inuu jiray khilaaf soo kala dhex-galay isaga iyo madaxda ka sareysa, inkastoo uusan sii faahfaahin, balse waxa uu xusay in wax kasta ay ku haboonaayeen in hoos loo dhameeyo.

Wasiir Maxamed Cabdirisaaq oo wareysigaan siiyey VOA waxaa la weydiiyey cida uu aaminsan yahay inay xilka ka qaaday, waxuuna sheegay in Farmaajo uu ka qaaday, isagoo aan ka filaneyn tallaabadaas.

“Hadii ay jireen wax un dhaliilo ah waxay ahaayeen kuwo hoose oo noo gaar ah, shaqadeyda si daacad ah ayaan u gudanayey, waana la yaabay xil ka qaadisteyda, todobaad ka hor anigoo qaba tabasho la xariirta shaqada ayaan dhahay Ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha hadii ay jecelyihiin inaan shaqada ka tago diyaar ayaan u ahay oo waa is-casilaa, balse labaduba waa iga diideen waxayna igu dhaheen arrimaha aad tabaneyso waa la xalinaa, kadibna waxaa ku xigtay xilka qaadistaan oo runtii igu noqotay arrin la yaab leh,” ayuu yiri Maxamed Cabdirisaaq.

Maxamed Cabdirisaaq ayaa waxaa lagu beddelay Cabdisaciid Muuse Cali, oo ahaa agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya, oo laba bil kahor loo magacaabay markii xilka uu hayey ee la-taliyaha amniga qaranka loo beddelay Fahad Yaasiin.

Hoos ka dhageyso wareysiga