Al-Shabaab oo war kasoo saartay dilka Cabdicasiis Afrika, sheegtayna “cidda ay ugu aargudeen”

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegatay mas’uuliyadda qaraxii is-miidaaminta ahaa ee caawa lagu dilay Allah ha u naxariistee weriye Cabdicasiis Maxamuud Guuleed Afrika, oo ahaa agaasimihii Radio Muqdisho.

Afhayeenka ciidanka Al-Shabaab Sheekh Cabdicasiis Abuu Muscab ayaa xaqiijiyey in qaraxa uu ahaa mid is-miidaamin ah oo uu fulyey qof ka tirsanaa kooxdaas.

Qoraalka Al-Shabaab ayaa lagu yiri “Cabdicasiis Afrika ayaa in muddo ah waxaa ku raad joogay Mujaahidiinta, isagoo loo haystay dambiyo dhawr ah oo uu ka galay Islaamka, iyo inuu ku lug lahaa dilal loo gaystay rag Mujaahidiin ah.”

Qoraalka ayaa intaas ku daray in dilka Afrika ay Al-Shabaab uga aargudanayeen xubno ka tirsan kooxda, oo sida ay hadalka u dhigeen, uu dillalkooda “ku lug lahaa,” kuwaas oo uu ka mid ahaa Xasan Xanafi Xaaji.

Xasan Xanafi ayaa waxaa dil toogasho ku fulisay Maxkamadda ciidamada Soomaaliya 11-kii April 2016, kadib markii ay ku heshay inuu ku lug lahaa dilal mudo hore loo gaystay suxufiyiin ka shaqayn jirtay magaalada Muqdisho intii uu ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale ku hanjabtay inay beegsan doonto cid waliba oo af ama adin kula dagaalantay nidaamkooda, sida ay hadalka u dhigeen. 

Sida laga soo xigtay booliska, gaariga ay saarnaayeen agaasimiyaasha oo ka yimid dhanka Boondhere, wadada Busley ayaa waxaa halmar daaqadda gaariga ku booday oo qabsadey qofka is-qarxiyey.

Allah ha u naxariistee, waxaa isla goobta ku dhintay ku dhintay Cabdicasiis Afrika, halkan Sharmaarke iyo darawalkii gaariga uu garaay dhaawac, waxaana loo qaaday isbital, sida aan xogta ku helnay. 

Cabdicasiis Afrika ayaa hadda kahor dhaawac culus uu kasoo gaaray rasaas ay ku fureen ciidanka dowladda, wuxuuna caafimaad u aaday dalka Belgium oo uu muddo ku noolaa, wuxuuna Muqdisho kusoo laabtay dhowr sano kahor.

Afrika ayaa qaban jiray barnaamij lagu magacaabo Gungaar oo lagu wareysto xubnaha Al-Shabaab ee usoo goostay dhanka dowladda ama ay soo qabtaan ciidamada, kaasi oo xog badan ay ku bixin jireen.