Wareysi: Maxay tahay sababta uu madaxweyne Xasan uga baaqday shirka IGAD?

Ankara (Caasimada Online) – Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdikariim Cali Kaar ayaa faahfaahin ka bixiyey safarka Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku joogo wadanka Turkiga iyo kulamada weli uga socda dalkaas.

Cabdikariin ayaa sheegay in madaxweynuhu uu weli wadahadallo kula jiro dhiggiisa dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan, isagoo si kooban u dulmaray faahfaahinta goobihii uu booqday intii uu joogay wadankaas.

Sidoo kale Afhayeenka Madaxweynaha oo wareysigaan siiyey Idaacadda VOA waxaa la weydiiyey sababta uu Madaxweyne Xasan Sheekh uga baaqday shirkii lagu casuumay ee madaxda urur goboleedka IGAD oo shalay ka furmay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

“Waxaa isku soo aaday kulamadii madaxweynaha uga bilowday Turkiga iyo shirka Nairobi, wafdi heer sare ah oo Soomaaliya metelaya ayaana loo diray shirkaas oo waa ka qeyb galeen, marka Soomaaliya waxaba kama aysan baaqan,” ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya.

Sidoo kale Cabdikariin oo sii hadlayey ayaa sheegay in labo madal oo heer sare ah maanta Soomaaliya lagu kala metelayo, kuwaas oo kala ah shirka IGAD ee Nairobi iyo kulamada madaxweynaha Soomaaliya uga socda dalka Turkiga oo muhiim u ah dalkeena.

Shir madaxeedka IGAD oo shalay ka furmay dalka Kenya waxaa Soomaaliya ku metelaya oo ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Guuleed.

Madaxweynaha oo shirkaas lagu casuumay ayaa u safray Turkiga kadib casuumaad uu ka helay hoggaamiyaha dalkaas Recep Tayyip Erdogan, waxaana Ankara uga socda wadahadallo toos ah oo maanta u bilowday.

Wararka ay heleyso Caasimada Online waxay sheegayaan in saacadaha soo socda lagu wado in labada Madaxweyne ay kala saxiixdaan heshiisyo cusub oo labada dal ay gelayaan.

Hoos ka dhageyso wareysiga afhayeenka madaxtooyada