Wargeyska The Star: “DF waxay Kenya u dhigtay dabin siyaasadeed cajiib ah”

Nairobi (Caasimada Online) – Wargeyska The Star ee Kenya ayaa faallo uu qoray ku sheegay in xiisadda Soomaaliya iyo Kenya ay tahay “xiisad lasoo hindisay” oo ah shirqool ay dowladda Soomaaliya u maleegtay Kenya.

Wargeyska ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay cayaareyso siyaasad ujeedada dhabta ah ee ka dambeysay ay tahay sidii ay ula wareegi lahayd hoggaanka maamulka Jubaland, kadib markii Kenya ay diiday inay taageerada kala noqoto Axmed Madoobe.

Wargeyska ayaa faalladiisa ku sheegay in ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ay u sheegeen in shirkii London ee xaraashka xirmooyinka shidaalka Soomaaliya uu ahaa mid ujeedada dhabta ah ee loo qabtay ay ahayd sidii looga carreysiin lahaa Kenya, looguna qasbi lahaa fal-celin aysan ka firisan.

“Sabtidii tagtay taas ayaa dhacday. Maskaxaha ka dambeeyay tallaabadan waxay abuureen xiisad siyaasadeed aan jirin, ayaga oo rajaynaya inay Kenay ay kusoo dhacdo dabinka loo dhigay, kadibna carro darteed ay ciidamadeeda kala baxdo Jubaland” ayuu qoray wargeyska The Star.

“Haddii sidan ay dhici lahayd, oo ciidamada Kenya ay bixi lahaayeen, waxay dowladda awood u yeelan lahayd in Kismaayo la geeyo ciidamo Amisom ah oo ka amar qaata, sidaasna ay ula wareegto hoggaanka Jubaland.”

Wargeyska The Star wuxuu qoray in si kastaba ciidamada Kenya ee jooga Jubaland aysan ahayn kuwa ka amar qaata dowladda Kenya, oo ay hoos tagaan Amisom, sidaas darteedna aysan la bixi karin, oo taas ay u taallo Amisom.

Ma cadda, sababta sidan uu ugu fakaray wargeyska The Star, hase yeeshee waxaa cad in xiisadda Kenya iyo Somalia ka horreysay shirka London, inkasta oo jirto in Kenya iyo Somalia ay ku kala tageen sidii Axmed Madoobe meesha looga saari lahaa.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com