Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray dalka Masar si ay uga qayb-galaan Shir Madaxeedka dalalka Carabta iyo Midowga Yurub oo berri ka furmaya magaalada Sharma El-Sheikh.
Shir Madaxeedka dalalka Carabta iyo Midowga Yurub oo markii kowaad dalka Masar lagu qabanayo ayaa waxaa looga hadlayaa xoojinta iskaashiga u dhexeeya dalalka Carabta iyo Yurub, xallinta caqabadaha waddamada caalamka horyaalla sida tahriibka, iyo sidii wax looga qaban lahaa xasilooni darrada ka jirta qaar kamid ah dalalka Carabta.
Madaxweyne Farmaajo ayaa madaxda Carbeed iyo kuwa reer Yurub kala hadli doona sidii taageero dhan walba ah loogu fidin lahaa dowladda Soomaaliya oo ku hawlan dib u soo kabashada iyo dowlad-dhisidda Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale shir-doceedyo la yeelan doona madaxda ka soo qayb-gelaysa shirka isaga oo kala hadli doona xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka Carabta iyo Yurub.
Madaxda Farmaajo la filayo inuu la kulmo ayaa waxaa ka mid ah madaxweynaha Masar C/fataax Al Sisi oo xilligan ah Guddoomiyaha Midowga Afrika, iyagoo ka wada hadli doona arrimo kala duwan.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu dhiggiisa Masar kala hadli doono Xiisada siyaasadeed ee Soomaaliya iyo Kenya.
Shirkaasi ayaa inta badan waxaa ka qeyb gali doona Hoggaamiyeyaasha dalalka Carabta iyo Madaxda Midowga Yurub, waxaana lagu soo bandhigi doonaa Qorshaha Midowga Yurub ee dalalka Carabta.
Masar ayaa ka mid ah dalalka saaxibada la ah Soomaaliya, waxaa horay uga qeyb qaadato dadaalo Diblomaasiyadeed ee ay waday oo ay ka mid aheyd xalinta xiisadda diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, inkastoo aanay guuleysan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com