Muqdisho (Caasimada Online) – Wariye Maxamed Abukar Kulmiye oo muddo bil ah gacanta ugu jiray hay’adda NISA ayaa dib u helay maanta xoriyadiisa, kadib markii maxkamadda gobolka Banaadir ay ku weysay wax dambi ah.
Wariye Kulmiye ayaa muddo in ka badan 20 cisho la weysanaa, kadib markii rag hubeysan ay ka qafaasheen meel ku dhow hoygiisa oo ku yaalla degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho, hase ahaatee dedaal badan oo ay bixiyaan bahda warbaahinta ugu dambeyn la ogaaday in si afduub ah loogu xiray godka Jilicow oo ay maamusho NISA.
NISA oo la kulantay cadaadis xooggan ayaa isku deyday in maxkamadda gobolka Banaadir qeybta ciqaabta horgeyso Kulmiye, si loogu gudbiyo xabsiga dhexe, hase ahaatee garsooraha maxkamadda gobolka Banaadir C/raxmaan Saciid Axmed ayaa horgeyn kadib faray in Mohamed Abukar Kulmiye la siiyo xorriyadiisa maadaama sifo sharci darro lagu xiray, sidoo kalena uu dhibane u yahay dowladda federaalka Soomaaliya.
Dhanka kale, Wariye Kulmiye oo si kooban ula hadlay warbaahinta waxa uu xaqiijiyay in mudadii uu xirnaa loo geystay tacaddi xooggan, waxaana uu sheegay in sababta loo qafaashay tahay in la diidan yahay baahintiisa maalin laha ah ee uu kaga hadlayey musuqa ka jira hay’adaha dowladda qaarkood.
“Runta sidaan kuma qarsoomi doonto, waxa igu dhacay wuxuu ahaa isku day dil, jirdil daran ayaa la ii geystay, waxa la igu haystana waa maxaad uga hadleysaa musuqa, shalay waxaan nafteyda raadsanayey argagaxisada oo dhibsaday barnaamijyada aan ka diyaarinayey maantana dowladdii oo shaqsiyaad rabaan in waxa ay doonaan ka sameystaan, intaan noolahay musuq iyo argagaxiso si isku mid ah ayaan ugula dagaali doonaa qalinka iyo Microphone ka” ayuu yiri Kulmiye.
Sanadkii 2020 sidaan oo kale ayaa wariye Kulmiye loogu afduubtay xarunta CID sababo la xiriira dagaalka uu kula jiro musuqa, iyadoo sidoo kale wariyahan uu ku caan yahay baahinta barnaamijyada bulshada looga wacyigeliyo ururada argagaxisada.